Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo Kulan la Yeeshay Masuuliyiin ka Socday Baanka Adduunka

Hargeysa-(Berberanews)- Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xaruntooda magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay shalay masuuliyiin ka socday Baanka Adduunka (World Bank).

Sida lagu sheegay qoraal lagu faafiyey bogga internet-ka ee Golaha Wakiillada, xubno ka socday masuuliyiinta Bangiga Adduunka iyo guddida dhaqaalaha, ayaa ka wadahadalay arrimaha la xidhiidha shuruucda dhinaca maaliyadda iyo sidoo goluhu u diyaarin lahaa xeerar maaliyadeed si kor loogu qaado heerka maaliyadda Somaliland.

guddida-dhaqaalaha-ee-Golaha-Wakiillada

Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Md. Cumar Axmed Saleebaan (Sanweyne) oo kulankaas hoggaaminayey, ayaa weftiga uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo waxyaabaha u qabsoomay guddigiisa iyo weliba caqabadaha hortaagan.

“Waannu idinka mahad-celinaynaa ka guddi ahaan booqashada aad nagu soo booqateen, waxay guddidu ilaa iminka ansixiyeen xeerka bangiga dhexe oo goluhu ansixiyey, xeerka baananka islamiga ah. Waxaannu sidoo kale gacanta ku haynnaa xeerka ka ganacsiga hawlaha baannanka, kuwaasoo ah xeerarka khuseeya maaliyadda,” ayuu yidhi Md. Sanweyne.

Masuuliyiinta ka socday Bangiga Adduunka oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin kulanka ay la yeesheen guddida dhaqaalaha, isla markaana kala qaateen xog iyo warbixino la xidhiidha dhinacyada maaliyadda (financial sector), iyagoo tibaaxay in baanka adduunku Somaliland kala shaqeeyo horumarinta adeegyada maaliyadda.

Waxa kale oo weftigu u sheegeen guddida inay labadii sanno ee u dambeeyey bangiga dhexe ee Somaliland kala shaqeeyeen dhinaca kormeerka (banking supervision), iyagoo xusay inay xilliganna diyaar u yihiin la shaqaynta baarlamaanka Somaliland, gaar ahaan dhinacyada diyaarinta shuruucda