Guddoomiyaha Deegaanka Aw-Barkhadle oo ka warramay wax-qabadka Maamulkooda

Aw Barkhadle-(Berberanews)-Guddoomiyaha Deegaanka Aw Barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr (Mahad Kabadheere) ayaa ka warramay xaaladda deegaanka iyo hawlaha horumarineed, nabadgelyo iyo bulsho ee deegaanka ka jira tan iyo markii xilkaas loo magacaabay.

Mahad MG-1

Guddoomiyaha oo khadka taleefanka ugu warramay saxaafaddu waxa uu yidhi “Guud ahaan xaaladda nabadgelyo ee deegaanku way fiican tahay oo waxa ka furan rug boolis oo si habsami ah u shaqaysa. Xagga waxbarashada waxa aannu xallinay khilaaf ka taagnaa dugsiga deegaanka, waxaanu u hawl-galaa si wanaagsan hadda. Waxa socda iskaashi buuxa oo u dhexeeya bulshadu waxaana masuul ka ah guddiga horumarinta oo aan la shaqeeyo. Markii koowaadna waxa aanu hirgelinnay xafiiska maamulka deegaanka oo u taagan midaynta, horumarinta iyo wax wada qabsiga bulshada”

Guddoomiyaha Deegaanka Aw Barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr (Mahad Kabadheere) oo aannu wax ka weydiinnay sida ay uga hawl-galaan kaabista iyo maaraynta arrimaha beeraha uu deegankani hodanka ku yahay waxa uu yidhi “Muddadii labada toddobaad ahayd ee aan xilkan hayay waxa aanu si buuxda u xallinay khilaaf ka taagnaa saddex beerood oo deegaanka ah. Guud ahaan dadka deegaanku waxa ay ku hawl-gelayaan niyad-samaan, wax wada qabsi, qalbi furan iyo soo dhaweyn”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata oo xusaya masuuliyiinta dawladda ee kala shaqaysa nabad-gelyada iyo horumarinta waxa uu yidhi “Wada-shaqayn wanaagsan ayaa naga dhaxaysa Badhasaabka Gobolka Hargeysa, Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Taliya Qaybta Bariga Hargeysa iyo Taliyaha Rugta Booliska Aw Barkhadle” ayuu weedhiisa ku khatimay Guddoomiyaha Deegaanka Aw Barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr (Mahad Kabadheere).