Meeqaamka Somaliland laga Siiyey Shirweynaha Caalamiga ah ee Macdanta Afrika

Calanka Somaliland oo ka mid ah 20 waddan oo lagu casuumay shirweynaha iyo waqtiga la siiyey khudbad Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland ka jeedinayo

xarunta shirku ka dhacayo

Cape Town (Jam/Berberanews)- Dawladda Somaliland ayaa markii u horreysay ka qaybgalaysa shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga macdanta Afrika oo lagu qabanayo dalka Koonfur Afrika, kaasi oo lagu casuumay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale.

Shirweynahan oo ah kii 20-aad ee sannadlaha maalgashiga macdanta Afrika oo muddo toddobaad ah 1 ilaa 7 bisha February ee fodda inagu soo haysa ka soconaya xarunta caalamiga ah ee shirarka magaalada Cape Town (CTICC), kaas oo la isugu keennayo dalalka Afrikaanka ah ee ay ku duuggan tahay macdantu iyo dawladdaha iyo shirkadaha caalamka ee isticmaala ama soo saara, halkaasi oo si qorshaysan loogu falanqayn doono qodobo kala duwan oo isugu jira warbixinno lagu falanqaynayo Macdanta Afrika, dhaqaalaha iyo macdanta oo ay ka xog-warrami doonaan khubaro kala duwani, tababarro iyo doodo diirrada lagu saarayo ka faa’iidaysiga khayraadka macdanta iyo qodobo kale, waxa markii u horreysay lagu casuumay dalka Somaliland oo ku kastabatay dadaalka xukuumadda talada haysa, gaar ahaan Wasiirka Macdanta iyo Wasaaraddiisu ugu jiraan sidii loo soo saari lahaa khayraadka macdanta ee dhulka hoostiisa ku jirta.

Sida ka muuqata bogga Internetka uu ku leeyahay isku-tagga macdanta Afrika (African Mining Indaba) ee shirweynahan qabta, kaasi oo lagu baahiyey dhammaan macluumaadka shirweynaha Macdanta Afrika ee sannadkan 2014, waxa magaca iyo calanka Somaliland badhtanka ugu jiraan 20-ka dal ee shirweynaha ka qaybgalaya oo mid walba sawirka calankiisa iyo magaciisa la isku hoos qoray, waana kuwan magacyada dalalka oo u kala horreeya siday loogu baahiyey bogga;

Angola, Botswana, Burundi, Cote d’Ivoire (Ivory Coast), Democratic Republic of Congo, Ethiopia, Chana, Guinea, Kenya, Mozambique, Nigeria, Republic of Congo, Somaliland, South Africa, South Sudan, Tanzania iyo Zambia.

Sidoo kale, shirkan oo Somaliland uga qaybgalaya Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo ku jira kulanka wasiirrada macdanta Afrika oo qayb ka ah shirwyenahan (Mining Indaba), ayaa la siiyey maamuus la mid ah wasiirrada kale ee ka socda dalalka lagu martiqaaday shirka, kuwaas oo lagala simay waqtiga la siiyey mid waliba inuu hadlo 20-ka wasiir oo ah 20 daqiiqo inuu ku jeediyo khudbad ku saabsan khayraadka macdanta dalkiisa iyo ka faa’iidaysigeedaba.

dalalka shirka lagu martiqaaday

Waxa kale oo shirweynaha lagu martiqaaday siddeed dal oo ka mid ah kuwa waawayn ee dhaqaalahoodu horumaray, kuwaas oo kala ah; Maraykanka, Japan, China, Holland, India, Kanada, Austareeliya iyo Afghanistan.

Dhinaca kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa waraysi uu dhawaan siiyey wargeys la yidhaa Mining Weekly in shirweynuhu Somaliland siiyey fursad ay ku soo bandhigto khayraadka macdanta ku jirta dhulkeeda, isla markaana ay ku soo jiidato indhaha maalgashadayaasha caalamiga ah.

Waxa kale oo uu sheegay in casuumadda Somaliland loo fidiyey ka dhalatay dadaalka ay xukuumad ahaan iyo wasaarad ahaanba ugu jiraan sidii loo soo saari lahaa khayraadkeeda dabiica ah ee ay macdantu ka mid tahay.

“Baadhista iyo soo saarista macdanta Somaliland waxay door wayn ka qaadanaysaa guulayshada macdanta Afrika,” ayuu yidhi Eng. Xuseen Cabdi Ducaale.

Xigasho Jamhuuriya