Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Oo U Kicitimay G/Sanaag Iyo Dareenada Ku Gadaaman Socdaalkoodda

Hargeysa(berbernews)Wefti uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa shalay u kicitimay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

images (12)

Wefti uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa shalay u kicitimay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Waftigan oo ay wasiirka gaashaandhiga ku weheliyeen wasiiru dawlayaasha maaliyada iyo waxbarashada ayaa la sheegay in ujeedada socdaalkoodu ay salka ku hayso maleeshiyo beeleedyo lagu qaramaynayo ciidamada qaranka oo ku sugan deegaanada Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag ee safarkoodu daaran yahay.

Waxaanay ilo wareedyo u dhuun-daloola socdaalka waftigaasi sheegeen in waftigaasi uu ku biiri doono wasiirka Biyaha oo isagu hore ugu sii sugnaa magaalada Ceerigaabo, taas oo tibaaxuhu intaa ku darayaan in ciidan beeleedka la qaramaynayaa ay ka soo jeedaan beesha uu ka soo jeedo wasiirka Biyaha.

Berbernews-Dedk

Hargeysa/Somaliland