Bangiga Adduunka oo Fashiliyey in aanay Shirkadaha waaweyn ee Somaliland cashuur ku filan siin dawladda

Hargeysa (Jam/Berberanews)- Bangiga Adduunka ayaa fashiliyey in aan shirkadaha waawayn ee ka jira Somaliland aanay cashuurta ku waajibtay sideeda u wada siin dawladda, taasina ay ka qaybqaadatay heerka hoose ee dakhliga waddanku helo.

Sidaa waxa lagu sheegay daraasad Bangiga Adduunku ka sameeyey Somaliland oo lagu soo bandhigay shir ay wadajir u qabteen Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo Baanka Adduunku oo ka furmay hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa shalay.

Shirkan oo lagaga hadlayo siyaabaha loo kobcin karo dhaqaalaha Somaliland, isla markaana loola dagaallamayo saboolnimada, sicir-bararka iyo sidii loo saldhigi lahaa siyaasadda kharashaadka miisaaniyadda, kaas oo ay ka qaybgalayaan martisharaf dhawr boqol oo qof oo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah, aqoonyahanno kala duwan, ganacsato iyo arday ka tirsan kuwa jaamacadaha wax ka barta, waxa lagu shaaciyey natiijada ka soo baxday laba daraasadood oo Baanku Adduunku ku sameeyye qoyska iyo ganacsiga oo la qaaday sannadihii 2012-kii iyo 2013-kii, kuwaas oo tilmaamo ka bixiyey hab-nololeedka iyo dhaqaalaha waddanka Somaliland.

shirka dhaqaalaha2

“Dakhliga gudaha waddanka ee hooseeya oo 8.5% ka ah koradhka dakhliga gudaha waddanku soo saaro (GDP) waxa uu kala badh ka hooseeyaa dakhliga waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika. Waxaannu dakhligaasi badankiisu ka yimaaddaa cashuurta ganacsiga, halka ganacsiyada waawayn (shirkadaha) ee dalku ay bixiyaan cashuur aan ku filnayn.” Sidaa waxa lagu yidhi daraasadda Bangiga Adduunku soo saaray.

Daraasaddu waxay xustay inay habboon tahay dib-u-eegis lagu sameeyo shuruucda cashuurta oo shirkadaha waawayn ku waajibinaysa 10% macaashkooda, halka dalalka Itoobiya iyo Kenya laga qaado 26% iyo 28% siday u kala horreeyaan macaashka shirkadaha waawayn.

Waxa kaloo daraasaddu muujisay heerka farqiga u dhexeeya tujaarta iyo dabaqadaha hoose ee bulshadda oo ay ku tilmaantay mid aad u weyn, “Dakhliga gudaha ee wax-soosaarku waa $1.4 bilyan doollar, waxaanna aad u kala sarreeya farqiga dakhliga soo kala gala tijaarta iyo fuqarada,” ayey tidhi.

Haseyeeshee, daraasaddu waxay sheegtay in dhaqaalaha Somaliland yahay mid aad u hooseeya, isla markaana marka loo eego dakhligii sannadkii 2012-dii uu xagga ugu hoosaysa kaalinta 4aad kaga jiro qiyaasta hal-beegga dhaqaalaha dunida, iyadoo saddex waddan oo qudh ka hooseeyaan, kuwaasoo kala ah; dalalka Burundi, Jamhuuriyadda Dimquraadiga ee Congo iyo Malaawi, waxana lagu qiyaasay saboolnimada magaalooyinka Somaliland ka jirtaa inay tahay 29%, degaannada miyiga ahna ay tahay 38%, siday tilmaantay daraasadda oo la qaaday sannadkii 2013-kii.

Sidoo kale, waxa warbixinta laga diyaariyey darasaddu shaacisay sida uu dhaqaalaha waddanku ugu kala badan yahay xoolaha nool, beeraha iyo ganacsigu, waxaanay xustay in xoolaha nool yihiin kaalinta kowaad ee dhaqaalaha waddanka oo 30% ka soo xeroodo dhoofinta iyo ka ganacsigooda, iyadoo uu ku xigo ganacsiga oo 20% ka soo xeroodo, halka wax-soo-saarka iyo beeraha yihiin 6% keliya.

Dhinaca kale, heerka caawimada Somaliland hesho ayaa noqotay mid aad u hoosaysa, waxaana lagu sheegay daraasadda in isugaynta taageerada dhaqaale ee uu dalku helay sannadkii 2012-kii ahayd 150 milyan oo doollar keliya.

shirka dhaqaalaha4

Geesta kale, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo furitaankii shirka hadal ka jeediyey, ayaa rajo fiican ka muujiyey in natiijada ka soo baxaan shirkan oo ay isugu yimaadeen aqoonyahanno iyo khubaro kala duwan ay wax ka tarto koradhka dhaqaalaha dalka.

“Go’aanka ka soo baxa shirkan waxan rajaynayaa inuu hago dawladda oo laga dheehan doono sidii wax looga qaban lahaa koboca dhaqaalaha, shaqo la’aanta, sinaanta iyo kala qaybsanaanta kharashaadka siyaadda maaliyadda. Waxa kale oo aan rajaynayaa inuu hage u noqdo bahda caalamka ee ina caawisa, si loo ogaado meelaha aynu u baahanahay in wax laga qabto, waxa uu faa’iido u yahay mujtamaca guud ahaan oo waxa la inoo soo bandhigayaa meesha dhabta ah ee dhaqaaleheenu marayo maanta,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isna Madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland leedahay Kaabayaal badan oo dhaqaale una baahan in la horumariyo, waxaannu yidhi, “Waxa halkan lagaga hadlayaa sidii maalgashi iyo ganacsi isku dheelitiran Somaliland caalamka ula yeelan lahayd, waxaannu rajaynaynaa inay ka soo baxaan aragtiyo wax ka tara sidii ganacsiga, dhaqaalaha iyo horumarkaba loo kordhin lahaa.”

Xigasho Jamhuuriya