Mid Kamid Ah Wasiiradii Xukuumadii Hore Ee Saacid Oo Iyadoo Ilmeeneysa Xilka Wareejisay Cafisna Dalbatay Caruurta Soomaaliyeed

Muqdisho:-( berbernews) Wasiiradii hore ee adeega Bulshada Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Saacid Drs Maryan Qaasim Axmed, ayaa maalintii shalay xilka ay heesay si rasmi ah u wareejisay iyadoo wajigeeda laga dheehanayay dareen ah in ay ka xuntahay balan qaadyo ay sameesay oon wali fulin.

wasiirkii hore ee adeega bulshada Drs maryan

Drs Maryan Qaasim ayaa caruurta Soomaaliyeed ka dalbatay in ay iska cafiyaan maadaama aanu u fulin sidii la rabay balan qaad wanaagsan ay horey u sameesay oo ku aadanaa in caruurta Soomaaliyeed heli doonaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Wasiiradii hore ee Adeega Bulshada ayaa ku warantay in ay dadaal badan ku bixisay hirgelinta Mashruuca Aada Dugsiyada ay u balan qaaday Caruur badan oo Soomaaliyeed in ay heli doonaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Drs Maryan Qaasim oo aad ugu murugeesneed Culeeska uu leeyahay balan qaadkii ay sameesay ayaa sheegtay inaysan is laheyn Xukuumada waa ay dhaceysa oo mudada afarta sano ee aad haysato uga faa’iideey dhalaanka Soomaaliyeed ee waxbarasho la’aanta haysato.

Iyada oo ilmaynaysa Wasiirkii hore ee adeega Bulshada Xukuumadii Saacid, waxa ay cafis weydiisatay caruurta Soomaaliyeed, waxaana ay sheegtay in riyadeeda ay aheyd in caruurta ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah balse iyada oon riyadaasi u rumeen meesha ka tagtay.

Wasiirada Adeega Bulshada ayaa kamid aheed Xubnihii ugu fir fircoonaa ee katirsanaa Xukuumadii Saacid, waxa ayna maalintii shalay xilka wareejisay iyada oo murugeesan oo ilmo indhaheeda ka daadanayaan maadama uusan u hir galin balanqaadkii ay sameesay.aa

Berbernews-Desk

Muqdisho/Somalia