Raysalwasaare kuxigeenka Liibiya oo ka badbaaday isku-day dil

Tripoli (berbernews) Sadiiq Cabdulkarim Raysalwasaare kuxigeenka wadanka Liibiya ahna siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa duhurnimadii Arbacada (Shalay) ka badbaaday weerar ay ku qaadeen kooxo hubeysan gaadhigii uu saarnaa.

Raysalwasaare_Kuxigeenka_Liibiya

Kooxdan ayaa rasaas xoogleh ooda uga qaaday gaadhigii siday Sadiiq Cabdikariim xili uu kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha kuna siijeeday xarunta Baarlamaanka.

Raysalwasaare kuxigeenka Liibiya oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Tripoli kadib weerarkii lagu qaaday isagoo sheegay in aan wax cabsi ah ka qabin hanjabaada iyo weerarada lagu soo qaadayo.

“…Waxaan u sheegayaa kooxaha weeraradan wada in aaney ka weyneyn Liibiya, isla markaana ragga liibiya aan lagu cabsi gelin rasaas, qoryo iyo gantaalo…”ayuu yidhi Sadiiq Cabdulkarim oo shirkiisa jaraa’iid telefishinka laga baahiyey.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ka jira amni xumo tan iyo intii kacdoonka xukunka looga tuuray xukuumadii Col.Qadaafi sanadkii 2011. Dowlada Liibiya ayaa la tacaaleysa xakameynta kooxaha hubeysan ee ka qeyb qaatay dagaalkii Liibiya, kuwaasi oo hada diidan inay hubka dhigaan.

 

Berbernews-Desk

Tripoli/Liibiya