Wasiirka Ganacsiga oo sheegay in aan maalgashiga dekedda Berbera kooto loogu xidhi doonin shirkadda Faransiiska ee Bollore

Hargeysa (Berberanews)- Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee  Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa caddeeyey in aan maalgashiga Dekedda Berbera kooto loogu xidhayn shirkadda Faransiiska ah ee Bollore Afrikan Logistics, iyadoo ay dawladda Somaliland iyo shirkaddaas u socdaan wadahadallo la xidhiidha maalgashiga dekedda.

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo magaalada Hargeysa kula hadlay saxaafadda shalay, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland garyaqaanno iyo khubaro caalami ah kala tashan doonaan heshiiska shirkadda Bollore ku doonayso inay maalgashato Dekedda Berbera, isagoo xusay in dekedda loo horumarin dooni si ay u noqoto albaabka ganacsiga dalalka Geeska Afrika, shacabka Somaliland-na faa’iido uga helaan.

“Shirkadda (Bollore African Logistic) ma aha mid Dekedda Berbera si gaar ah ugu xidhan tahay, laakiin dekedda iyo hawlaha ka socda ee haamaha shidaalku ka mid yihiin waxay u furan yihiin cid kastoo heshiis wanaagsan oo Somaliland wax taraya la geli kara, dhawaanna in arrimahaas aannu tallaabo ka qaadno waannu ka tashanaynaa,  imminkana waxaannu la tashanaynnaa garyaqaannada noo gaarka ah ee Somaliland iyo khubaro Somaliland u dhashay iyo kuwo ajnebi ah oo aannu kiraysannay, kana  shaqaysiinaynno si ay noo siiyaan talooyin naga caawiya heshiisyada aannu la galaynaynno shirkadda Bollore iyo shirkadaha kale ee danaynaya khayraadka dalka,” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland.

Waxa kaloo uu sheegay in Dekedda Berbera u baahan tahay horumar, lagana dhigo deked caalami ah oo u adeegta dalalka Gobolka Geeska Afrika oo dhan, waxaannyu xusay in dhaqaalaha xilligan ka soo baxa dekeddu ku filan yahay dalka, balse ay dawlad ahaan doonayaan inay noqoto deked weyn oo wax ka tarta dhaqaalaha geeska iyo bariga Afrika.

“Siyaasadda Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ka shaqaynayso waxa ka mid ah qodobadda ugu waaweyn inaannu ka hawlgalnno in ganacsiga la kala xadeeyo oo aannu ganacsigu noqon mid shaqsiyaad  kooban gacanta ugu jira, waana in ganacsiga dalka la wadaaga, waana in aannu qofku noqon ka dibada wax ka soo iibinaya, ka dekedda keenaya, hadhawna tafaariiqaynaya. Arrintaasi waxay meesha ka saaraysaa ganacsatada kale ee dalka, waxayna yaraynaysaa ka-qaybgalka dhaqaalaha dalka iyo ganacsigiisa oo ay ka xayirayso mujtamaca kale ee Somaliland. Arrintaas waannu ka badheedhaynaa, waxaanuna ka hawlgalaynaa. Waxaannu ku jirnaa la tashiyo aannu khubaro caalamiya iyo dalal kale oo nala mid ah kala yeelanaynno siday u maareeyaan,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.