Madaxa Sirdoonka Maraykanka oo Shaaciyey in Al-shabaab Qaadayso Weerarro Khatar ku ah Jabuuti iyo Bariga Afrika

Washinton-(Berberanews)- Madaxa sirdoonka dalka Maraykankanka Mr. James Clapper, ayaa shaaciyey in Al-shabaab qorshaynayso weerarro khatar ku ah waddanka Jabuuti iyo dalalka ku yaal bariga qaaradda Afrika.

Ninka ugu sarreeya sirdoonka Maraykanka oo warbixin siiyey guddida golaha Senet-ka u qaabilsan dhinaca sirdoonka maalintii Arbacada, ayaa sheegay in dalalka ku yaal bariga Afrika oo ay ugu horreeyaan Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Brundi ay halis ugu jiraan weerarro argagixiso oo kaga yimaad ururka Al-shabaab.

“Al-shabaab waxay diyaariyanayaan weerarro argagixiso oo lagu qaado dalalka Jabuuti, Itoobiya, Uganda, Brundi. Suurtagalnimada, kalsoonida iyo ka dhabaynta weerarro Al-shabaab qaaddo waa qaar aad isu soo taraya,” ayuu yidhi Madaxa Sirdoonka Maraykanka.

Waxa kale oo Mr. James Clapper sheegay in Al-shabaab ka faa’iidaysanayso hoggaaminta Madaxweynaha Soomaaliya oo maamul ahaan daciif ah iyo loollanka ka taagan dalkaas oo uu xusay inay sababeen awoodihii hay’addaha dawladda oo meesha ka maqan.

madaxa-sirdoonka-Maraykanka

Sidoo kale, waxa uu warbixintiisa ku iftiimiyey in dalka Kenya ka mid yahay dalalka safka hore kaga jira weerarrada argagixiso ee Al-shabaab la maagan tahay wadamada ciidammada u diray Soomaaliya si ay uga mid  noqdaan ciidanka AMISOM ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Digniinta ka soo yeedhay sirdoonka Maraykanka, ayaa la sheegay inay cabsi ku beertay dalka Jabuuti iyo waddamada kale ee bariga Afrika, kuwaasoo madaxdoodu marar kala duwan sheegeen inay diyaar u yihiin weerar kasta oo kaga yimaad Al-shabaab, iyadoo sidoo kalena ciidammada ammaanka heegan sare la geliyey.

Jamhuuriya