Ceerigaabo: Shirkii Maayiradda Oo Maanta Lagu Doortay Shanta Sanadood Ee Soo Socda Maayirka Caasimadda

Ceerigaabo (berberanews) Maayarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa maanta loo doortay Maayarka Maayarada Somaliland muddada shanta sannadood ah ee soo socota.

 a868dc64f170dbf0996ef66cc77d4331_L

Maayarka BooramaKulan maanta magaalada Ceerigaabo ay ku yeesheen Ururka Dawladaha hoose ee magaalooyinka Somaliland ayaa lagu doortay Guddoonka cusub ee ururkaasi hagi doona mudada shanta sanadood ah ee soo beegan.

 

Munaasabad taariikhi ah oo maanta ka dhacday xarunta dawladda hoose ee Degmada Ceerigaabo ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Md Axmed Xaaji Cali Cadami. Wasiiru-Dawlaha wasaaradda Maaliyadda Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Wasiiru-dawlaha wasaaradda Waxbarashada Md Axmed Faahiye Mire, Badhasaabka Gobolka Sanaag Md Axmed Muxumud Geelle (Dacar iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee Degmada Ceerigaabo.

images

Fadhiga ay maanta yeesheen ururka Mayor-ada Somaliland oo ay ka soo xaadireen kow iyo toban ka mid ah Maayarada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa waxaa lagu doortay Gudoonkii ururka oo ka koobnaan doona Gudoomiye, G/xigeen iyo Xoghaye.

 Mb

Xubnaha ururka ayaa cod aqlabiyad ah oo dhamaystiran waxay gudoomiyaha ururka mayor-ada Somaliland u doorteen Md Cab

 

Maayarka_Laascaanood

Maayarka Laascaanood

 

diraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo ah Maayar-ka caasimadda Somaliland, halka ku xigeenna loo doortay Md Saleebaan Xasan Xaddi oo ah Maayar-ka Magaalada Boorame, iyadoo Xoghayaha ururka-na loo doortay Maayar-ka magaalada laascaanood Md C/qaadir jaamac Saalax.

 

Badhasaabka gobolka sanaag Md Axmed Muxumud Geelle (Dacar) oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in arrintani noqon doonto mid taariikhda gasha, isla markaana muhiimad gaar ah u leh gobolka sanaag oo ay doorashadu ka qabsoontay.

 

Xubnaha golaha wasiirada ee kulankaa ku sugnaa ayaa dhamaantood uga mahadceliyey Mayor-ada Somaliland habka dimuqraadiga ah ee ay u doorteen Guddoonka ururkooda

 

Dhankiisana Maayarka caasimada Somaliland oo doorashada ka bacdi kulanka ka hadlay ayaa ballanqaaday inuu awoodda saari doono taageerada looga baahan yahay hirgelinta mashruuca waddada Ceerigaabo iyo sidii hay’adaha samafalku uga hawlgeli lahaayeen Gobolada Bari ee Somaliland, isla markaana waxa uu xusay inuu ka shaqayn doono sidii ay taageero iyo gacan-qabad u heli lahaayeen dawladaha hoose ee dalku, si ay u awoodaan inay muujiyaan waxqabadka ballaadhan ee laga sugayo.

 

 Berbernews-Desk

Ceerigaabo/Sanaag