Puntland Oo Calanka Hoos Ugu Dhigtay Geerida Raysal-wasarihii Labaad Ee Soomaaliya Soo Mara

Garoowe (berberanews) Maamul gobolleedka Puntland, ayaa ku dhawaaqay in muddo saddex maalmood ah calanka Maamulkaasi hoos loo dhigayo, si loogu maamuuso geerida Raysal-wasaarihii labaad ee Soomaaliya soo mara C/risaaq Xaaji Xuseen oo xalay ku geeriyooday Magaalada  Minneapolis ee dalka Maraykanka.

calanka puntlandMadaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka hadlay sababta calanka hoos loogu dhigayo ayaa sheegay in lagu maamusayo geerida Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, oo uu ku tilmaamay shakhsi ummada Soomaaliyeed wax weyn u soo qabtay “Ummadda Soomaaliyeed oo dhan wey ka dheregsan tahay halgankii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ee gobonimo-doonka Soomaaliyeed iyo sidii uu ugu khidmeeyay Umaddiisa iyo dalkiisa” ayuu yidhi, Madaxwaynaha Puntland. Isaga oo sidoo kalena geerida Raysal-wasaarihii labaad ee Soomaaliya soo mara ka tacsiyadeeyay shacabka Soomaaliyeed.