Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen Mareykanka ku geeriyooday

Minneapolis. (berberanews):- Allaha u naxariistee waxaa goor dhaweyd ku geeroyooday magaalada Minneapolis. Ee dalka Maraykanka Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ahaa raysal-wasaarihii labaad ee soo maray dalka Soomaaliya dawladdii rayidka ahayd  ee  lixdamaadkii.

 1005805_481627711941136_56248143_n

Geerida Raysal-wasaarihii hore waxaa   xaqiijiyay Cabdisalaan Cabdiqafaar Xaaji Xuseen oo ah wiil uu adeer u yahay marxuumka . ayaa ku geeriyooday Cisbitaalka Jaamacadda ee Magaalada Minneapolis.

 Alle ha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa Raysal-wasaarihii labaad oo ay yeelato Soomaaliya oo xor ah, wuxuuna xilka hayay intii u dhaxeysay 14-kii June 1964  illaa 15-kii July 1967. Waxaa xilka Raysal-wasaarenimada kaga horreeyay Alle ha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma-arke oo xilka Rysal-wasaarenimada hayay intii u dhaxeysay 12-kii July 1960  illaa 14-kii June 1964,waxaana uga dambeeyay oo doorasho kaga guulaystay isla markaana noqday Raysal-wasaarihii sadexaad ee Soo mara Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Allaha u naxariistee oo Xukuumaddiisii ay Millatarigu inqilaabeen ka dib markii la dilay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma-arke.

Allaha u naxariisto Cabdirisaaq Xaaji Xuseen qoyska ,ehelka, qaraabada iyo inta uu ka baxayna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN