Abwaan reer Berbera ah ka qayb galay maansadii Garbo diir‏

MAANSADA DAYAAN

Waa maanso magaceeda la yidhaa (dayaan) waxaana ay ka mid tahay maansadani silsilada socota ee garba diir ee uu iba furay abwaanka weyn ahmed aw geedi (dheeraad )  maansadan oo soo baxday 3/2/2014 waxaana tiriyey maansadan dayaan abwaanka da,ada yare e la yidhaa c/risaaq maxamed cabdi cige  maansaduna waa sidan :
Diinta eebe keenee
Loo diray anbiyadaa
Dadka aynu nahay iyo
Duul islaam ku dhaqan yahay
Ilaahbaana dooroo
Darajaynu leenahay
Ninka dirid ku maagana
Daragbaa u waafiya
Aan cidina dagi Karin
Afartaa dilayntiyo
Silo daa,in sheegiyo
Daro iyo xabiibkeen
        Iyo duliqa culimada
        Ma daliishay hadalkii
 
Ma durduray dixdii laas
Markii roobku da,ayoo
Ma doogsaday dhulkaygii
Ma daaqeena xoolii
Mana dagay dadkaygii
Ma hadayna daalkii
Markii daa,in laga galay
Dudhufkiyo abaaraha
Afartaa wax dihaniyo
Dulsan iyo wacnaaniyo
Sida damash hadhkiisii
Ma dariiradeeyoo
Ma dul dhigay halkaan rabay
 
Weli daakhilkeediyo
Maan dagin mucdeedii
Dalqadaan u soo raray
Inaan awrka dajiyee
Dayaan baana la yidhaa
Maasnadaan diwaan furay
Markaad dawyo joogtana
Midba door dhaqaaqii
Waa inaad dareentaa
Dabin iyo dhul buura leh
Dooxyo daad ku soo dhacay
Iyo gabi da,da u dheer
Isku duruqa maahoo
Socodkoodu kala duwan
ruuxa simida doonana
Isagay dartii tahay
Dal xoraynu nahayoo
Dadkiisii u dibad jiray
Siduu daafta sare,iyo
U soo taaban laa daraj
Afartaa dareen dhaba
Iyo daaris nololeed
Oon la doobadayn Karin
Iyagana ma daajoo
Gaariye ma duwan yahay
 
Ina geedi waa deeq
Dalka alle ku madansaday
Waan daakhi sheekhoo
Diinta loo macnayn Karin
Inta lagu dawaawiro
Waana soo dabaaliyo
Dadka kii la magansaday
Waa duluc yaqaaniyo
Garba-diir ninkaa yidhi
Afartaana darawiyo
Rag ninkiisa duubaday
Iyo diidan baan idhi
 
Ha duwaawacoonine
Daray oo hadana shubay
Ku sii daayay  waadaan
Ceelkii  dirayskaan
Dibadana ka soo dhigay
 
Ina gaydh midbaan duray
Midna waan dalacayaa
Kala diir kaxaysiyo
Kala dilid dadkaygaa
Iyagoon wax duranayn
Dalqad iyo dicaafkeed
Iyo door kalaan furay
Misna aan ka daba tago
Hadalkii doraatiyo
Doobirtaad na soo tidhi
Aan dariiqo weedhee
Rasuulkay dad danabiyey
Mid diirkiiya dooneen
Dacwad inuu u soo galo
Balse nabi kuumuu dayn
Kani waa daftaadiyo
Kii diinta kula waday
Mana soo dagaaline
Hal baa dayr ku xidhatoo
Meel daloosha waayee
Idhagayso deeroow
Dayr la soo diyaarshoo
Rabigay dadkaw dhigay
Inaad daafadaysoo
Docda aad ka mudhatiyo
Inaad daabax tirisaad
Diyaar aad u tahayoo
Duulka aad u wadataa
Daa,inkaan ku dhaartee
Hadii inanta dahabkaa
Ee aan danbaabaa
Dulmi ay samaysoo
Dadku iigu sheegaan
Gacan baan dudaw ridi
Midna daaso baan odhan
Diircadkayga faalada
Waxaan uga danleeyahay
Hadii diinta dabaqiyo
Laga dhigo dir iyo baal
Qofba daanta uu rabo
Uu ka dalabsanaayoo
Sadexdii daliilaba
Mid ka soo dafaayoo
Dadka inuu ku sira,iyo
Diraaf uu la magan yahay
Xaran dulina weeyaan
Duda waxaan u soo maray
Bal inuu dareemaa
 
Yaa doorka maqalkii
Ku daabacay midhaa tidhi
Hadaa diinta haysaan
Dulmigaa arkaysaan
Intaa dibad ka joogtaan
Ha ku dilina suugaan
Waa adoo dad gaalaa
Inta aad la daris tahay
Markay diinta caayaan
Qosol door ciyaariyo
Ugu dara didlay kaca
 
Ku daroo durbaaniyo
Ninka daasad soo tumay
Tiriyee iskuba dayey
Inuu deel la sara kaco
Kaligii danuuntiyo
Isa siiyey doorjeex
Isagana midh aan dayo
Dameer iyo wuxuushbaa
Markay daalac riixaan
Ama ay ku dararaan
Dinbaabidho taqaanee
Layligaa docdiisiyo
Biyaha daakhilkii jira
Markay docadoceeyaan
Isagoon u daymoon
Waxa duray naftiisuu
Didmo uu la cararaa
Dufax reerkanimadiyo
Deelayda maansada
Yay kula durdurinine
Talaabooy dantaadiyo
Dib u joogso baan diray
 
Rabow yaan digreetada
Xeerkeed dulmiga yahay
Iyo daan cajiidlaha
Mar danbeeto soo bixin
Rabow yaan diraaqdiyo
La dareerin reerkeed
Rabow yaan dariiqyada
Midba daan ka soo xidhan
Rabow yaanan diriqiyo
Dibirada la saro kicin
Rabow yaan duraantiyo
Diir qaate noo talin
Raboow yaan digtaa timi
Intaa nagaga sii darin
Raboow yaan dirayskiyo
Dookhaanu leenahay
Lagu doorin cunahoo
Nin danaysi yuu helin