Dowlada Imaaraadka Carabta oo ka cadhootay hadalo kasoo yeedhay Shiikh Qardaawi

UEA (berbernews)Dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waraaq rasmi ah oo cabasho u gudbisay dowlada Qatar, kadib hadalo kasoo yeedhay Sheekh Yusuf Qardawi oo ku nool dalka Qatar.

ShYusufQardaawi-

Safiirka Qatar u fadhiya dalka Imaaraadka Ambassador Fares al-Nuaimi ayaa looga yeedhay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Abu Dhabi, iyadoo loo dhiibay qoraal cabasho ah oo ku socda dowlada Qatar, dowlada Imaaraadka ayaa ka codsatay dowlada Qatar inay jawaab ka bixiso hadalo kasoo yeedhay Shiikh Qardawi.

Shiikh Yusuf Qardawi ayaa labo todobaad kahor khudbad uu ka jeediyey Masaajid ku yaal magaalada Doxa ee Qatar, lagana siidaayey Telefishinka Dowlada Qatar, ayuu Sheekhu ku tilmaamay dowlada Imaaraadka mid la dagaalameysa in Diinta Islaamka la isku xukumo.

Hadalada Sheekh Yusuf Qardawi ayaa lagu beegay maalmo kadib markii dowlada Imaaraadka ay xabsi ku xukuntay 30 muwaadin oo Imaaraati ah iyo Masaari lagu eedeeyey inay xubno ka yihiin ururka Ikhwaan Muslimiinka.

Mid kamid ah xubnaha lagu xidhay dalka Imaaraadka ayaa waxaa kamid ah Dr.Maxamuud Al Jaiddah oo u dhashay dalka Qatar, ninkan ayaa loo heystaa inuu kamid yahay ururka Islaax ee laga mamnuucay wadankaasi Imaaraadka, ururkaasi oo la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay Ikhwaan Muslimiinka.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar Dr.Khalid Al-Attiyah ayaa iska fogeeyey hadalada Sheekh Qardaawi. Wuxuuna wasiirka sheegay in Sheekh Qardawi aanu ahayn afhayeenka dowlada Qatar.

Dhinaca kale Xoghayaha Sheekh Yusuf Qardaawi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Sheekha uu xaq u leeyahay inuu fikirkiisa dhiibto, isla markaana uu sii wadi doono inuu ka hadlo waxa uu aaminsan yahay.

Dowlada Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga ayaa kamid ah dowladihii dhaqaalaha siiyey Militariga Masar kadib afgembigii lagu sameeyey Madaxweyne Maxamed Morsi. Dowlada Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegtay inay qab qabatay xubno kamid ah Ikhwaan Muslimiinka oo doonayey inay dhaq dhaqaaq ka sameeyaan gudaha wadankooda