Laascaanood: Laba Xildhibaan Deegaan Oo Ugoostay Maamul Goboleedka Puntland

Sool (berberanews) Laba xildhibaan oo ka mid ahaa Golaha deegaanka Magaalada Laascaanood ee Somaliland, ayaa maanta u goostay dhanka Maamul Gobolleedka Puntland, waxaana lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe.

Xildhibaanno_kasoo_Labada xildhibaan ee ka soo goostay golaha deegaanka Laascaanood ee Somaliland, oo kala ahaa Mukhtaar Mahad Cawad iyo Cabdalle Digaale Cali, waxayna saxaafadda kula hadleen Magaalada Garoowe, waxayna ku dhawaaqeen inay ka soo goosteen Somaliland, isla-markaana la shaqeynayaan Maamul gobolleedka Puntland

Labadan xildhibaan, ayaa waxa masuuliyiinta soo dhaweeyay ka mid ahaa  wasiirka ganacsiga Maxamed Xasan (Soo-cadde) iyo wasiirka kalluumaysiga Cabdinuur Cilmi Maxamuud (Biindh

Berberanews-Desk

Sool/Somaliland