Madaxweyne ku-xigeenka oo Guddi u saaray Wasiir fasax u siiyey in ay Berbera shir ku qabsadaan Somaliya, Puntland iyo Somaliland

argeysa(Berberanews)-khilaafka ugu culus ee ay isku seegeen Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga Cali Buureed iyo Agaasimaha wasaaradaasi Maxamed C ilmi oo uu shaqada ka joojiyey ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay muran ku dhex maray Shir uu Wasiirku u fasaxay in Somaliya, Puntland iyo Somaliya ay ku qabsadaan Magaalo Xeebeeda Berbera.

Si rasmi ah looma oga shirku nooca uu yahay, hase yeeshee sida ay waaheen wararka ku helayso waxa Wasiirka ka dalbatay Hay’adda FAO, Taasoo doonaysa in ay u qabato shir caalami ah oo lagaga arrinsan doono sidii mashaariic Kalluumaysi oo sadexda dhinac ka dhaxeeya oo ay ku qabsato Berbera.

Sida wararka la xidhiidha shirkani sheegayaan Wasiir Cali Buureed waxa uu qallinka ugu duugay qorshaha Hay’addaasi wadato, taasoo sida lagu waramayo uu diiday Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi oo marka hore la xidhiidhi jiray Hay’adaasi balse markii ay kala quusteen in uu u saxeexo ay u wareegeen dhinaca Wasiirka, kaasoo ugu duugay.

Dhacdadan uu wasiirku ku talaabsaday oo ay Somaliland mawqif cad ka taagan tahay ayaan la garanayn waxa uu Wasiirku ugu dhiiraday iyadoo wadahadalada Somaliya iyo Somaliland mar walba ay ku cadahay in aan Somaliland iyo Somaliya dhex mari Karin shirar noocan oo kale ahi.

Talaabada Wasiirka oo af kala qaad ku noqotay Xukuumadda ayaa la sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland in uu Guddi u saaray, isla marakaana waxa la laalay shirkii uu wasiirku Hay’adda VAO u saxeexay, balse ma cada talaabada xigta ee xukuumadda Somaliland ka soo saari doonto amarka wasiir Cali Buureed.

Wasiir Cali Buureed ayaa xilal heer wasiir ah ka soo kala qabtay Dawladdihii ku meel gaadhka ahaa ee Somaliya iyo Puntland, waxaanu xogogaal u yahay mashaariicaha Hay’addaha Caalamiga ahi Somaliya oo dhan ku caawiyaan, waxaanay taasi keenaysaa  in ay isaga dhex qasmaan in uu kala saari waayo mawqifka Somaliland iyo nidaamyadaas Somaliya ee uu ka soo shaqeeyey oo mar walba Somaliland u arka Gobolo ka tirsan Somaliya.

Dhinaca kale, Ilo wareedyo xogogaal ah ayaa Waaheen u xaqiijiyey in toddobaadadii ugu danbeeyey ay Hargeysa ku sugnaayeen laba Agaasime Guud oo ka tirsan Maamulka Puntland iyo Dawladda Federalka ah ee Somaliya, kuwaas oo aanay Xukuumadda Somaliland wax talaabo ah ka qaadin, halka ay doraad ka qab qabatay masuuliyiin ka tirsanaa Madaxtooyadda Somaliya oo u dhaafayey dhinaca Itoobiya.

Ma cada qorshaha ay u socdeen labada Agaasime Guud oo kala ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Kalluumaysiga Puntland iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Qorshaynta Somaliya, balse sida ay waaheen wararka ku heshay waxa lagu arkay iyagoo marfishyada waaweyn ee Hargeysa qaarkood ku qayilaya.

Sources, Waaheen