“Aad iyo aad baan uga xumahay in UNIVERSAL TV la xayiro, waxaanan u arkaa go’aan lagu degdegay..” M Caabi

Hargeysa(Aftahannews):- Agaasimaha Somaliland u qaabbilsan Telefeshinka UNIVERSAL Maxamed Caabi Digaale, ayaa sheegay inay ka xun yihiin in TV-ga ay Somaliland ka xayirto shaqada, isla markaana waxa uu go’aanka Xukuumaddu deegaannada dalkeeda shaqada UNIVERSAL kaga joojisay yahay mid lagu deg-degay.

Universal TV

Maxamed Caabi Digaale, ayaa BBC-da u sheegay in Xukuumada Somaliland ka cadhootay Barnaamij lagu magacaabo Faaliyaha Qaranka oo ah Barnaamij Majaajilo iyo Madaddaalo Siyaasadeed oo inta badan lagu soo qaato Siyaasiyiinta waaweyn ee Soomaaliyeed, kaasoo toddobaadkan lagu soo qaatay Madaxweynaha Somaliland.

Caabbi waxa uu tilmaamay in Barnaamijkaas Somaliland ka cadhootay yahay Madaddaalo waxyaabaha hadal-haynta dadweynaha u badan lagu soo qaato, balse aan ka turjumayn xaqiiqda ama qaddiyadda dal ama Masuul dal ee ay tahay wax TV-yada caalamku sameeyaan, Universal-na uu dhawaan bilaabay Barnaamijkaas oo uu ku dooday inaanu xambaarsanayn ujeeddo iyo cid-nacayb gaar ah.

Maxamed Caabbi Digaale, waxa uu sheegay inuu u arko shaqada laga joojiyay Universal TV go’aan lagu degdegay, isla markaana ka hor-imanaya xorriyadda Saxaafadda iyo dimuquraaddiyadda meel kaga dhacaya. Waxa uu Maxamed Caabbi sheegay inay ku dedaalayaan inay wadahadal la yeeshaan Xukuumadda Somaliland. “Aad iyo aad baan uga xumahay in UNIVERSAL TV la xayiro, waxaanan u arkaa go’aan lagu degdegay, waxaanan leeyahay halla noqdo go’aankaas.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Caabbi.

Read More..