Dhaxalkii Mandela oo la shaaciyey inuu gaadhayo $4.1 million

South Africa(berbernews)Waxaa shacabka dalka Koonfur Afrika loo shaaciyey qiimaha uu gaarayo xoolaha ay ehelada Mandela ka dhaxleen hogaamiyahaasi.

Mandela-

Waa markii ugu horeysay oo Hogaamiye Afrikan ah si rasmi ah loo shaaciyo inta ay la egtahay dhaqaalaha dhaxal ahaan uu ka tagay.

Mandela ayaa ka tagay dhul iyo guryo lagu qiyaasay qiimahooda $4.1 milyan oo dollar, kuwaasi oo dhaxal ahaan loogu qeybin doono, xaaska Mandela, caruurtiisa, shaqaalihiisa, iskuuladii uu dhisay iyo waliba ururkii uu ka tirsanaa ee ANC.

Waxaa sidoo kale laga cafiyey caruurta Mandela lacago deyn ah oo horey loo siiyey oo midkiiba ku helay $300.000 (Sadex boqol oo kun oo dollar).

Mandela ayaa sidoo kale dhaxal ahaan u siiyey dhamaan shaqaalihiisii lacag gaareysa $4.500 oo dollar. Wuxuu sidoo kale lacago badan uga tagay Iskuulada iyo Jaamacadaha uu dhaqaale ahaan ku taageeri jiray oo midkiiba uga tagay lacag ku dhaw 10 kun oo dollar.

Xisbigii ANC oo uu ka tirsnaan jiray ayaa la sheegay in sidoo kale ay heli doonaan 10 illaa 30% dhaxalkiisa, lacagtaasi oo uu Mandela ugu talo galay in Xisbigiisa u adeegsadaan arrimaha dib u heshiisiinta iyo wacyi gelinta shacabka koonfur Afrika.

Nelson Mandela ayaa codsaday in la shaaciyo dhaxalka iyo dhaqaalaha uu ka tagay si uu astaan uga dhigo inuusan waxna musuq maasuqin, si markaasi hogaamiyayaasha Afrika iyaguna markay dhintaan sidaas oo kale u shaaciyaan dhaqaalaha iyo dhaxalka ay ka tageen