Nairobi:Ururka Haweenka CARMASHA Ah Oo Lagu Dhawaaqay

Nairobi (berbernews)Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, ayaa waxa lagaga dhawaaqay urur ku dhawaaqistiisu layaab ku noqotay dadwaynaha Soomaalida.

Carmal

Ururkan oo Lagu Magacaabo (SINGLE MOTHER) ayaa waxa ku midoobay haweenka Carmasha ama Garoobka ah, kuwaasi oo qaarkoodna haystaan carruur ay kala hadheen aabahood oo ay kala tageen iyo haween aan carruur haysan, balse la furay.

 

Haweenka ururkan ku midaysan oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxa ururkooda oo xidhiidh la leh qaramada midoobay uu layaab ku noqday dadka Soomaalida, ayaa waxa aasaaskiisa ka warantay Sabaax Maxamed Faarax oo ah haweenayda Guddoomiyaha ka ah.

 

Sabaax oo u warantay Telefiishanka Universal, ayaa sheegtay in aasaaska ururkani ka dhashay markii ay maalin kaliya dhowr haween ah oo Carmal ahi meel ku kulmeen, ka dibna markii ay is wareysteen ay dareemeen dhibaatada haysata haweenka bilaa ragga ah ee carruurta kalidood korsada “Ururkan waxaanu aasaasnay, ka dib markii dumar aanu is-wareysanay mid walba tidhi ilmaan haystaa, laakiin odey ma haysto, ayaan idhi ka warama haddaynu urur aasaasano, sidaas ayaanu ku aasaasnay ururka, annigana Guddoomiye ayay ii Magacaabeen” ayay tidhi, Guddoomiyaha ururka SINGLE MOTHER

Sabaax, waxay sheegtay in hay’ado ay taageereen ururkooda isla-markaana ay samaysteen sanduuq lacageed, kaasi oo dayn siiya haweenka ururka ku jira

berberanews-Desk

Niarobi/kenya