Qaramada Midoobay oo digniin culus u jeedisay Dadka Ka ganacsatada Uganda oo Soomaali ku Jirto

UN (berberanews) Golaha Ammaanka ee QM oo ku baaqay in la xakameeyo Ugaarsiga Foolasha ama Faanta Maroodiga a ee lagu maalgeliyo Kooxaha Hubeysan ee ka dagaalama dalalka Somalia, Kongada Dimuqraadiga iyo kuwo kale.

golaha-ammaanka-Qaramada-Midoobay1Golaha Ammaanka ee QM ayaa isku raacay Labo Qaraar oo looga dan leeyahay in wax looga qabto Maalgelinta Kooxaha Hubeysan ka helaan Ganacsiga Foolasha ama Faanta Maroodiga.

Goluhu waxa uu ugu baaqay Dowladaha Caalamka inay xakameeyaan, isla markaana Tallaabo Adag laga qaado dadka Ugaarsada Maroodiga (The Ivory Hunters) iyo kuwa sida sharci-darradda Foolasha Maroodiyayaasha uga ganacsada si ay ugu maalgeliyaan Kooxaha Hubeysan ee ka dagaalama gudaha Qaaradda Afrika.

Golaha Ammaanka ee QM oo dhawaan yeeshay Kulan Khaas ah oo looga hadlay Arrimahaasi, ayaa waxay cod buuxa isugu raaceen meelmarinta wax-ka-qabashadda Ugaarsiga Maroodiga ee sida xeelladaysan loogu maaalgeliyo Kooxaha ka dagaalama Somalia, Kongadda Dimquraadiga, Waqooyiga Uganada iyo dalka Sudan.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM, ayaa lagu qeexay in Ganacsiga Sharci-darradda ee Foolasha Maroodiga in loo adeegsado sii hurinta dagaalladda ay Kooxahaasi ka wadaan dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, wuxuu kaloo Goluhu sheegay in laga hortagayo Lacagaha Bangiyadda la soo marsiiyo ee lagu maalgeliyo Dembiyadda Qorsheysan.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM, ayaa waxaa lagu xusay in Goluhu rumeysan yahay in Ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira Dowladda Federalka iyo Ciiddamadda AMISOM ay macaash iyo maalgelin ka helaan Ganacsiga Sharci-darradda ee Foolasha Maroodiga, waasida lagu xusay Qaraarka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee QM.

QM, waxay kaloo tuhunsan tahay in Jabhadda LRA ee ka dagaalanta Waqooyiga dalka Uganda, iyo Maleeshiyooyinka Kooxda Janjawiid ee dalka Sudan iyo Fallaagadda ka dagaalanta Bariga dalka Kongadda Dimuqraadiga maalgelin ka helaan Ganacsiga Kontobaanka ee Foolasha Maroodiga.

Golaha Ammaanka ee QM, waxay ku goodiyeen inSaraakiisha Hay’adaha Dowladaha, siiba kuwaWasaaradaha Maaliyadda iyoGudaha iyo Ganacsatadda kale ee lagu helo inay ku lug leeyihiin Ganacsiga Sharci-darradda ee Foolasha Maroodiga lagu soo rogi doono Xayiraad dhinaca Hantida iyo Socdaalka.

Berbernews-Desk

Hargeysa/somaliland