R/wasaare C/weli Sheekh: Hay’adaha amniga waa inay jawaab degdeg ah iga soo siiyaan duqeynta habeenadii Muqdisho ka dhaceysay

Muqdisho (berbernews) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta la kulmay hay’addaha ku shaqada leh amniga, sida Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleediyo ku-xigeenadiisa, Taliyaha ciidanka Boliiska Gen. Saacid, guddoomiyaha gobolka Mudane Tarzan iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka dhamaan degmooyinka gobolka, Taliyayaasha saldhigyada iyo kuwa nabadsugida.

Raisul-3

Kulankan oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa diirada lagu saaray falalkii amni darrida ahaa ee ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho labadii habeen ee la soo dhaafay iyo sidii dabagal dhameystiran loogu sameyn lahaa cida ka dambeysa.

 

Wasiirka Amniga Qaranka oo ugu horeyntii goobta ka hadlay ayaa xusay in xalay illaa maanta ay aad ugu mashquulsanaayeen howlwadeenada ammaanku sidii jawaab cad looga keeni lahaa fowdada dhacday labadii habeen ee la soo dhaafay iyo cida iska leh mas’uuliyada dabacsanaanta amniga ee dhacday, maadaama goobaha ay ka dhaceen ay ku yaalaan saldhigyo iyo xarumo Boliis kuwaasoo loo xil saaray sugida amniga.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo isna hadlay ayaa ka dalbaday hay’addaha ku shaqada leh amnigu inay jawaab ka keenaan falalkan amni darrida ah ee dhacay, kuwaasoo khal khal geliyay deganaanshiyaha shacabka, wuxuuna xusay in kooxaha nabad diidku ay ka faa’iideysanayaan habacsanaan amni oo jirta, loona baahan in la adkeeyo nabadda har iyo habeena feejignaan dheeri ah la muujiyo.

 

“Waan ka xumahay khal khalka iyo cabsida la geliyay shacabka labadii habeen ee la soo dhaafay, kooxaha caddowgu waxay ka faa’iideysanayaan dal daloolada amniga ee jira, waana in gacan bir ah looga hortagaa, oo ay cabsadaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka dalbaday Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha amnigu inay talaabo ka qaadaan cid kasta oo dayacda waajibkeeda ka saaran sugida amniga ee loo idmaday, si aaney mar kale u soo noqon falalkan oo kale.

 

Berberanews-Desk

Muqdisho/Somalia