Al-shabaab oo Fasaxday Isgaadhsiinta Jubbooyinka

Kismaayo(berbernews) shirka isgaarsinta Hormuud Telcome soomaliya ayaa maanta fasaxday adeegyadii gobalada jubbooyinka kadib wada hadal dhex maray iyaga iyo kooxda Al-shabaab.

images

mudo lix Casho ah  ayaa isgaarsinta gobalada Jubbooyinka ay maqnayd kadib markii uu amar kasoo baxay Kooxda Al-shabaab,sida ay wararka ku helayso warbaahinta.

Dhinaca kale shirkada ayaa joojisay isla maanta adeega internetka Mobilka gobalada koonfureed,iyadoo sido kale isla gobalada jubbooyinka adeega Internet Mobilka uu ka maqanyahay.

mudadii lixda bari ahayd ee ay isgaarsinta gobalada jubbooyinka maqnayd aya waxay saamayn xoogan ku yeelatay bulshada kunool gobalada jubbooyinka,iyadoo ay kaga xayirnayeen Adeega EVC da Lacago Badan.

Al-shabaab ayaa hore usoo saartay digniino ku toosan isticmaalka adeega Internet Mobilka ,taas oo ay ku shegeen in lagu baahiyo sirta Al-shabaab,iyadoo dowlada soomaliya arintaas ay ka hadashay kuna sheegtay mid lagu cadaadinayo shacabka somaliyeed.

qaar kamid ah shacabka gobalada jubbooyinka sida kismaayo ayaa shegay in aay aad usoo dhaweynayaan in laga qaado xayiraada dhinaca isgaarsinta ,waxayna shacabku shegeen dhowrkii maalmood oo ay isgaarsinta ka Go,neeyd  in aad uga wal walsanayeen waxa dhici doona.

 

Berberanews-Desk

Kismaayo/Somalia