Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Lagu Wado In Uu Booqosho ku Yimaad Buuhoodle iyo Somaliland oo aan ka hadal socdaalka Camay

Garoowe(berbernews):- Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Punland Cabdixakiin Cabdilaahi Xaji Cumar Camay,ayaa la sheegay inuu socdaal ku imanayo magaalada Buuhoodle oo deegaan ahaan ka tirsan Somaliland ablse aan gacanta Maamulka Somaliland ku jirin.

timthumb.php

Magaalada Buuhoodle,ayaa waxaa la sheegay inay imika ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ay wadaan qaar ka tirsan Madaxdhaqameedka deegaanka oo ay ugu sii gogol xaadhayaan Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar oo  la filayo inuu dhawaan magaalada Buuhoodle soo gaadho.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo markii hore sida la sheegay qorshuhu ahaa inuu maanta soo gaadho magaalada Buuhoodle,ayaa la sheegay inuu sarafkiisu u dhacay maalinta sabtida ee soo socota ka dib markii uu Madaxweynihiisu saaka u dhoofay dhanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdhisho oo uu kaga qayb galayo aas qaran oo halkaa loogu samaynayo Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya oo dhawaan ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Magaalada Buuhoodle,ayaa waxaa imika gacanta ku haya Maamulkeeda kooxda la baxday Khaatumo State oo ku dhawaaqay Maamul goboleed ka madaxnabanaan Somaliland iyo Puntland labadaba,waxaanay marar badan dagaalo toos ahi ka dhex qarxeen Somaliland iyo Puntaland.

Maamulka Puntland iyo KOOXDA Khaatumo ayuu dagaal dad ku dhinteen ku dhex maray magaalada Taleex oo ay kooxdala baxday Khaatumo  u ahayd magaalo madaxdooda dagaalkaasoo ay ku kala jabeen hoggaamiyeyaasha kooxda Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ooh ore u soo noqday hoggaamiyaha kooxda Khaatumo,ayaa Puntland la soo saftay dagaal  ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool 28/11/2013.dagaalkaasoo ay kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Indha-sheel ay ku sheegeen inay Puntland magaalada Taleex ka geysatay waxay ugu yeedheen xasuuq.

Xiligan oo aanay kooxda Khaatumo iyo Maamul goboleedka Puntland weli ka wada hadal dagaalkii ka dhacay magaalada Taleex isla markaana aan wax heshiis ahi dhex marin,ayuu Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku soo began yahay maalmaha soo socda magaalada Buuhoodle oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo isla markaana ay Puntland sheegto inay Buuhoodle deegaan ahaan dhankooda tahay.

Waxaana la sheegay inay gudaha magaalada Buuhoodle ka socdaan qaban qaabada soo dhaweynta Weftiga ka iman doona Puntland in kastoo aan la garanayn waxay ka yeeli doonaan kooxda Khaatumo ee magaalada gacanta ku haysaa.

Dhanka kale magaalada Dawladda Somaliland oo dhul ahaan uu ka tirsan yahay deegaankeeda magaalada Buuhoodle  oo intaan gobolka loogu dhawaaqin ka tirsanaan jiray gobolka Togdheer,ayaan wali ka hadal socdaalka uu ku imanayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland gobol ka tirsan dalka Somaliland.

Somaliland,ayaan Buuhoodle wax sheegasho afka ah ka badan ku lahayn isla markaana aanu marna ku jirin taasoo wax u dhimi karta Qarannimada Somaliland kol haddii dhulka Somaliland qaybo ka mid ahi maqan yihiin.

Lama oga Somaliland inay tallaabo Millatari iyo tu dublamaasiyadeed ta ay qaadi doonto ee ay kaga hor tegayso Weftiga Puntland ee dhawaan laga filayo inay yimaadaan magaalada Buuhoodle iyo inay sidii horeba u dhici jirtay ay ka aamusi doonaan.

berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland