Warbixin :AL-Jazeera ka qortay Xasuuqii Milatarigga Ee Siyaad Bare 25 sano ka hor u geystay Shacbka Somaliland

Hargeysa(berbernews)Shabakadda Caalamiga ah ee Al-Jazeera ayaa baadhitaan dheer ku sameeyay xasuuqii 1980-aadkii ay dawladdii Maxamed Siyaad Barre u geysatay shacabka Somaliland, waxaana ay Shabakadu ka sameeysay war-bixin dheer oo qoraal ah.

al

War-bixintan ayuu ku soo bandhigayaa qiyaas ahaan dadka ku dhintay xasuuqaasi, dadka la waayey iyo kuwo ku waxyeeloobay, isaga oo soo xiganaya Masuuliyiin ka mid ah hay’adda xasuuqa Somaliland ee kaydisa xogta xasuuqaasi.

Telefiishanka ayaa wareystay qaar ka mid ah Mujaahidiintii SNM ee ka qayb-galay dagaalkii dib u xoreynta SNM, waxayna soo bandhigeen sidii dadka maatida ah guryaha loogala baxayey isla-markaana loo gawracayey “Qoyskayga guriga ayaa lagala baxay, markaasaa la gawracay” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka la wareystay.

Jose Baraybar, oo ah Madaxa kooxda baadhitaanka ku samaynaysa xabaal-wadareedyada dalka, gaar ahaan Magaalada Hargeysa, ayaa Telefiishanka u sheegay “Hargeysa waa Wada Xabaal-wadareed, qaarkood waxa la leeyahay waxa ku aasan 200.000 qof, qaar kale waxay leeyihiin 60.000, laakiin qofna xaqiiqda ma garanayo, taasina waata aanu u doonayno inaanu tirada saxda helno” ayuu yidhi Jose Baraybar

War-bixintan ayaa soo qaadaysa in Maxamed Cali Samater oo ahaa Raysal-wasaarihii dawladdii Siyaad Barre Maxkamad Maraykanka ku taal ku xukuntay $ 21 Milyan doolar oo magdhow ah, markii lagu cadeeyay inuu qayb weyn ka qaatay xasuuqa shacabka Somaliland, gaar ahaan beesha Isaaq oo war-bixintu tibaaxday in dawladdii Siyaad Barre si gaar ah u bartilmaameedsanaysay.

“Qofka walba wuxuu waayay ehelkiisii, aabihii, hooyadii, walaaladii” sidaa waxa yidhi Khadar Axmed Like, oo ah Madaxa hay’adda debagalka xasuuqii Somaliland ka dhacay oo la hadlay Al-jazeera.

War-bixintan oo dheer, ayaa waxa diyaariyey Wariye James Reinl oo ka mid ah Telefiishanka Caalamiga ah ee Al-jazeera

 

Halkan Ka Daalaco Warbixintii Oo Dhameystiran