Wasiirada Gashandhiga Itoobiya Iyo Soomalia Oo Heshiis Dhanka Amiga Ah Kala Saxeexdey

Somalia(berbernews)-Waxa  heshiis dhanka amiga ah kala saxeexdey wasiirada gaashindhiga iyo taliyeyaasha ciidamada ee labada dal heshiiiswax ka  tari doonaa sugida nabada iyo xasiloonida soomaliya iyo sidii looga saari lahaa wadanka somaliya argagixisada.

ethoi-300x223sidoo kale heshiiska waxaa uu wax aad u weyn uu ka tari doonaa in ay labada dal iska kaashadaan sidii ay iskaga caawil lahayeen cadawga, horumarka iyo xasiloonida ee labada dal heshiiskan ayaa waxa uu niyad jab aad u weyn uu ku noqonaya dhamaan hormadiidka, nabadiidka iyo argagixisada sida ubbo oo baryahan danbe ku hawla-neyd sidii ay saldhig qarsooni ah ay uga furan lahayeen nawaaxiga magaalga muqdisho maadamo oo ay jiraan wakhtigan xaadirka ah guryo ay ubbo si shaqsiyan ah uga gadatey muqdisho.

Heshiiskan markii uu dhacayey waxaa goob-joog ka ahaa madaxweynaha DDSI oo ka soo noqdey socdaalkii taarikhiga ahaa islamarkaan wuxuu madaxweyne cabdi maxamuud cumer oo waftigii somaliya uu u sameeyey marti qaad qodo sharaf aad u heer sareysey taaso waftiga iyo madax-weynuhu ay yeesheen wada hadal aad mihiim u ahaa oo ku saabsan xasiloonida labad dal wuxuuna madxweynuhu uu waftiga siiyey warbixin aad u balaadhan oo dhanka horumarka, nabad-galiyad, iyo maamulaka suuban sidoo kale cilmi aad u baladhan oo ku saabsan micnaha iitoobiyad cusub wuxuuna ku dhamaadey is-afgarad aad qaali u ah.

Heshiiska waxaa Somalia u saxeexay wasiirka gaashaandhiga Mudane GEN Mohamed sheikh Xassan iyo Siraj Fageysaa oo ah wasiirka difaaca ee dalka itoopiya wax uuna ku dhamaadey is fahan aad u sareeya oo raali galiyey labada dhincba

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland