Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Cambaareeyay weer loo geystay Weriye Darwiish

Hargeysa-(Berberanews)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa si kululu cambaareeyay weerar xalay loogu geystay magaalada Ceerigaabo Weriye Cabdillaahi Xuseen Darwiish oo ka ah Wakiilka Solja ee Gobolka Sanaag, kana hawlagala qaar ka mid ah warbaahinta madaxabannaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay SOLJA oo uu ku saxeexanyahay Mustafe Sheekh Cumar Geedi oo ka tirsan Guddiga Fulinta, ayaau qornaa sidan; “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo  ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka uu u hayo Hay’adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaa uu si kulul u cambaareynayaa  weeraraka lagu qaaday Weriye- Cabdilaahi Xuseen Darwiish. oo ah Wakiilka Ururka SOLJA ee Gobolka Sanaag ayaa xalay 2/6/2014 Habeenkii jimcuhu soo galayay abbaara 10:30-pm rag dhallinyaro madaxa soo duubtay oo ku hubaysan Budhadh Iyo Toorriyo isagoo Xafiiskiisa hortiisa Telefoon ku hadlaya waxay halkaas hareeraha kala galeen budhadhkii ay siteen. Waxana weriyaha soo gaadhey dhaawacyo intooda badani madaxa iyo wejiga ka gaadheen. Weriyaha ayaa loola cararay cusbitaalka guud ee Ceerigaabo, sidoo kalena kooxdii hubaysnayd ee weriyahan weerarka kusoo qaaday ayaa boliisku mid kamid ah gacanta ku dhigeen.

Hadaba ururka SOLJA waxa uu si sharaf iyo qadarin leh uga codsanayaa Hayaddaha amniga ee Jamhuuriyada Somaliland iyo kuwa gobolka sanaag gaar ahaan kuwa dagmada ceerigaabo in sida ugu dhaksaha badan sharciga loohorkeeno cidii falkaa arxan darada ah ku qaaday Wariye Cabdilaahi Xuseen Darwiish.”

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland