TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNAYD DHE

Hees ka mid ah suugaantii Cabdi Aaden Xaad “Qays” ee horraantii todobaatanaadkii ay midheheedii waxa ka mid ahaa:

 
“HAMMAA KULA FOGAATOO
 KIBIR-BAAD HALLOWDEE
HAADAAD LA LOOSHAA 
DAYAXAAD HADHAYSOO
DARUURAHAAD U  HOYATAA..”
 
Isna hoobal ka soo jeeda dalka Suudaan ayaa hordhaca hees uu tiriyey waxa hadaladiisii ka mid ahaa:
“MAALAHU FII MAAKIBI LAYL YAMSHII 
WA YUNAADII ASHBAAXAHU 
WAXSHAT AL LAYLI WA DILAAMAA.”
 
“Waa maxay guurahan habeenimo iyo
Hadhkan loo dhawaaqayaa
Gudcurkan magan gooyo?”
 
 “Diinatul assaa= The Dust of Sorror= Awaarihii Murugada.”
 
Halkii laga filayey in ay ka midho dhaliso hawlihii loo igmaday, xukuumaddii Somaliland aragtideedii iyo awoodeedii ma waxay ku soo ururtay in ay Xibiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) ay jidgooyo hadba kala hortimaado iyadoo marmarsiiyo ka dhiganaysa ammaanka dalka ayaa khalkhal geleya. Nabadgelyada iyo xasiloonida dalku ma aha mid looga cabsi qabo in uu xisbiga UCID waxyeeleeyo. Hoggaanka iyo madaxda Xisbiga UCID marnaba kama suurtowdow in uu dalka u horseedo qas iyo qalaasay.
 
Cidda keli ah ee maanta looga cabsi qabo in ay hagardaamayso ammaanka dalku waa xukuumadda talada lagu aaminay ee geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay xaalad u abuuri lahayd iyada oo uga dan leh si muddo kordhin sharciga baalmarsan loogu samay lahaa mar haddii muddo xileedeedii hadda gabaabsi tahay una badheedhi kari la’a in ay dhammaystirto diiwaangelin lagu galo doorsha xalaal ah oo dalku kaga badbaado boobkii iyo ku shubashadii badheedhka ahayd ee golayaasha deegaanada.
 
Ta labaad ee meesha ku jirtaana waxay tahay shirarkii Soomaaliya iyo Somaliland oo hadda iyana soo oodmay oo natiijada u dambaysey noqotay fasiraada labada erey ee afka Inrgiiska ah: ATROCITY IYO GENOCIDE oo ah laba erey oon sinaba la isu barbardhigi karin marka laga hadlayo xadgudubiyada ka dhanka xuquuqda banii Aadamka. Arrintan ayaa ah fashilaadda ugu weyn ee xukuumadda dalka ka arrimisa la soo deristay; noqona mayso mid dareenka ummadda majaro habaabisa indhaha dadweynahana ka jeedisa galdaloolooyinka isasoo taraya ee xukuumadu maareyn kari la’dahay.
 
Xukuumadda Md. Axmed Maxamed Maxamuud waxa laga sugayaa halka hawlihii loo igmaday ee dalku ku dambeeyeen iyo cidda dalkan ka talisa. Saqda dhexe oo xafiisyada Xisbiga UCID la jabsado oo agabkii yaalayna badhna la gurto inta la qaadi kariwaanaya la jejebiyo. Sharciyaddu hadday shaqayn weydo, shaadh dowladeeda la isugu soo gaban maayo e’ bal aynu dhowrno cidda caano riyaad sanka ka keenta iyo cidda awood sheegasho iyo amarku taaglayn lagu muquunyo.
 
 
Axmed Cali Sabeyse
February 7, 2014