Xildhibaan Buubaa oo eedo u soo jeediyay Wasiirka Madaxtooyadda

 Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha guddiga joogtada ah ee golaha Wakiiladda Somaliland Ibraahin Mahdi Buubbaa,ayaa Xukuumadda Madaxwyne Siilaanyo ku eedeeyay inay golaha Wakiiladda faraha kula jirto isla markaana tilmaamay inuu ugu horreeyo masuuiyiinta Xukuumadda ee arrimaha golaha Wakiiladda faraha kula jira Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.