“Dadbaa Lagu Soo Ururshay Golaha Rabshad Sameeya Annigaa U Yeedhay Ciidamada Si Ay Amniga U ilaaliyaan” Baashe Maxamed Faarax

Hargeysa (berbernews) –  Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay ciidamadii booliska ahaa ee Maanta gudaha u galay fadhigii Golaha ee buuqii uu ku furmay ku dhamaaday.

Baashe MaxmedGuddoomiye Baashe Maxamed Faarax, oo isaga iyo ku xigeenka labaad Mudanayaasha dhex fadhiisteen markii ugu horeysay, tan iyo markii Awooddoodii shir-guddoonimo hoos loo dhigay, ayaa sheegay sin ciidamada ammaanka ee Golaha Galay uu isagu dalbaday, si buu ammaanka ay u sugaan.

Guddoomiye Baashe oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inuu booliska dalbaday markii buu yidhi ay Golaha iska soo buuxiyeen dhalinyaro aan Golaha ka mid ahayn oo lagu yidhi buuq sameeya.

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Golaha dadbaa lagu soo ururiyey rabshad ka sameeya, sidaa daraadeed annaga ayaa codsanay in ciidanku amniga ilaaliyaan, ragga waaweyn ee akhyaarta ah ee xildhibaanada ah maaha, ee rag dhalinyaro ah oo buuq samaynaya ayaa xagga dambe la soo fadhiisiyey”