“Mooshin Ka Dhan ah Madaxweynaha Ayaanu Keeneynaa Golaha Oo Xil ka Xayuubin ah”Xildhibaan Bashiir Tukaale

Hargeysa(berberanews)- Xildhibaan Bashiir Sheekh  Xuseen  Tukaale oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa Sheegay in ay Golaha Horkeenayaan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland,

Xildhibaan Tukaale

mooshinkaasi oo uu sheegay in uu ku saabsan yahay Siddii madaxweynaha loogu diri lahaa Guddi caafimad oo soo baadha caafimadkiisa, isaga oo Xusay in haaddii gudidaasi ay caddeyso in madaxweynuhu xaalladiisa caafimaad aanay fiicnayn ay Maamuska ka xayuubin doonan.

Xildhibaan Bashiir Tukaale wax uu sheegay in Madaxweyne Siillaanyo talada wadanku aanay gacanta ugu jirin, isaga oo hoosta ka xariiqay in wasiiro xukumaddiisa ka tirsani ay talladii wadanka la wareegen.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo arrimahasi ka hadlayaa  waxa uu yidhi; “Wali golaha wakiilada Somaliland kamay dhicin Saddex mooshin oo mar qudha lawada keeno, haddana guddomiyaha goluhu wuxuu muujiyey dulqaad oo dhammaan wuu wada akhriyey, lakiin waliba waxa hadhsanaa mooshin kale oo afraad oo diyaar ahaa, oo aanu golaha horkeenaynay, mooshinkaasina waxa uu ku saabsanyahay madaxweynaha Somaliland oo jabiyey Distuurka Qaranka Somaliland maadaama talladii wadanku aanay gacantiisa ku jirin, markaa guddi caafimaad loo saaro, haaddii guddidu sheegto in caafimadkiisu aanu wanaagsanay dee waxaanu soo dhigi doona In Maamuuska laga xayuubiyo.” Ayuu yidhi.

 Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland