Nuxurka shir deg deg ah oo galabta Iskugu yimaadeen Xisbiyada Mucaaradka Iyo Madasha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka

Hargeysa(berberanews)-Xisbiyada Mucaaridka ah ee Ucid iyo Wadani , oo ay wehelinayaan Madasha Wadatsahiga iyo Toosinta Qaranka ayaa maanta shir degdeg ah kuyeeshay Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa kadib markii ay aad ula yaabeen dhacdadii Golaha Wakiilada ay Ciidamada Boolisku ku galeen maanta taas, oo la Sheegayay in Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee awoodiisa la dhimay, Baashe Maxamed Faarax sitoos ah u amarka usiinayay Ciidamadaasi, waxaanay shirkaasi kaga hadleen xaalada xiligan wadanku guda galey.

madasha ucid wadani

Kulankan degdega ah ee ay ku yeesheen Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa, Xisbiyada Mucaaridka ahi kulankan oo ay kaga hadleen Ciidamadii Booliska ahaa ee maanta lasoo galiyay Golaha Wakiuilada waxa goob joog ka ahaa,Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne oo katirsan Madhasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka iyo xubno kale oo

katirsan Madasha, labada Gudoomiye ee Xisbiyada Ucid iyo Wadani Eng Faysal Cali Waraabe, iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro), iyo masuuliyiin kale oo tira badan oo u nbadan saraakiisha Snm iyo xubno kale intaba.

Inkastoo kulankani ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin, hadana waxa Shabakada Wararka hadhwanaagnews xogwaran kooban kasiiyay, nuxurka kulankaasi Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne oo ah afhayeenka Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka kana mid ah mujaahidiintii Snm ee hurmuudka u ahaa halgankaasi.

“Waxaan marka hore u mahad naqayaa bahda Saxaafada ee mar walba heeganka u ah dhibaatooyinka wadanka ka taagan iyo mushaakilaadka in ay shacbiga la socodsiiyaan,waa nasiib daro dowladii aynu dooraney ee shaley inagu ooyaysey, ee sida qabyaalada leh inoogu ooyeysey ee ina laheyd codka nasiiya waanu kufriyeynaaye inay maanta hadana edeb darooyinka intaa leeg ee waliba caqli xumada ah ee aan is qabaneynin kula dhaqaaqdo Bahdii Saxaafada, Baarlmaankii, meel alaale iyo meel ay reebayaan aanay jirin oo ay sharcigii baabiinayaan, hay,adaii Sharciga ee ah halkii ugu dambeysey ayay doonayaan in ay inamo yaryar u afduubaan, oo qori ula galaan  waxa aan leeyahey been baad isu sheegteen inta uu iska tago ciro isagoo caadiya inaad cid kale ku fadhiisisaan waa habeenkii Xaley tagey walaahi, walaahi waxaas oo kursi ahi mar bey wada laabmayaan inaan lagu kala hadheyn ninkii u haysta inaad joogeysow kaligaa ku hadhi maysid ee qarankan ha laablaabin waxa weeyaan wakhtigii waa kaa dhow yahey ee si sharciya iska dhiib oo si sharaf leh iskaga dhiib sidii ragii kaa horeeyay caruurtaada yaryarna waa la edbin doonaa ee daka ku edeb daroonaya”Ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne waxaanu ka hadley arimo kale oo badan

berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland