Xukuumada Kulmiye Oo Maanta Golaha Wakiilada Duldhigtay Ciidmada RRU+Gudoomiye Cirro Oo Si Rasmi ah U Xidhay Kalfadhigii Golaha

Hargaisa(berberanews)_Kal Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee saaka ayaa lagu kala kacay ka dib markii ay soo galeen Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo hor kacaaya ciidamo Tiro Badan oo isgu jira RRU Iyo SPU

plarlamkaFadhigan oo uu markii hore shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa habsami u socodkiisii waxa khalkhal ku abuuray Ciidamada Tirada badna ee saaka iska soo buux dhaafiyay aqalka golaha wakiilada somaliland

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa ka guddoomay mudaneyaal soo gudbiyay laba mooshin, kuwaas oo kala ahaa in wax ka bedel lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Aqalka Wakiilada iyo waliba xildhibaano

iyaguna sitay mooshin dhigay in la dheereeye Kalfadhiga Aqalkaas oo maanta ku eekaa.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku war geliyay Mudaneyaasha in labadan Mooshin uu gudbin doono Sharci Yaqaanka Golaha Wakiilada si uu uga soo baaraan dego, halkaasna uu kal fadhigoodu ku xidhan yahay.

Markii uu kal fadhigan soo xidhmay ayaa waxa hoolka ka dareeray Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo xildhibaanada intooda badan, halka ay ku hadheen Xaruntii Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad.

Ciidamadii ay dabada ka riixsay xukuumada Siilaanyo ayaa ku guul dareestay in la sii wada kalfadhigan golaha wakiilada ee saaka xidhamay

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somalilind