Madaxweynaha Puntland oo sheegay inaanu aqbalayn dadka boobay hantida dawladda xilligii kala-wareega-Dhegayso

Garoowe-(Berberanews)-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inaanay xukuummadiisu aqbalayn inay cid gaari haysato hantida dawladda ee gacanta u gashay shakhsiyaad gaar ah oo ka faa’iidaystay wakhtiga kala wareega xukuumadda.

Gaas oo dhawaan loo doortay Madaxweynaha Puntland oo uu kaga guulaystay Cabdiraxmaan Faroole, oo kullankii u horreeyay maanta isugu keenay Golihiisa cusub ee Wasiiradda, ayaa ka hadlay qaabkak uu u waajahi doono hannaanka shaqo ee xukuumadda cusub, islamarkaana sheegay inay jiraan dad haysta hanti dawladeed oo gacantooda gashay xilligii kala wareegga.

Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay inuu xoogga saari doono bixinta musharrooyinka shaqaalaha dawladda oo aan muddo qaadan, islamarkaana uu gebi ahaanba bedeli doono hannaankii shaqo ee dawladdii ka horreysay oo aanu wakhtiga ku lumin doonin booqashooyinka, sidoo kalena uu door muhiim ah ka geysan doono  koboca dhaqaale ee shacabka.

Halkan ka dhegayso Khudbadda Madaxweyne Faroole.