Qarax gaadhi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)-Qarax loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa goor dhow ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho inta u dhexeysa Taree Biyaano iyo KM4.

Bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, gaar ahaan laamaha ammaanka ee gobolka Hiiraan. Axmed Cumar Mudane oo ah gudoomiye ku-xigeenka guddiga amniga gobolka Hiiraan ayaa wararka lagu helayaa inuu qaraxaas ku dhaawacmay.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo qaraxa iyo weliba khasaaraha uu geystey, wuxuuse ahaa mid aad u xooggan oo jugtiisa laga maqlay goobo aad uga fog halka uu ka dhacay.Qarax

Ciidamada ammaanka oo daqiiqado kaddib goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ayaa xiray qaybo kamid ah jidka KM4.

Saraakiisha ammaanku weli qaraxan kama hadlin, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hadda mas’uuliyadda qaraxaas sheegatay.

Sources, Hiiraan