Wasiir Waran-cadde oo Xabsiga Dhigay Guddoomiyaha Guddiga Beesha Habar-yoonis iyo Xubno kale

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Guddiga Beesha Habar-yoonis ee Talo iyo Tawfiiq Xasan Xuseen iyo xubno kale oo Guddiga ka tirsan, ayay Ciidammada Boolisku Xabsiga u taxaabeen caawa, ka dib markii ay ka qabteen magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Guddiga Habar-yoonin ee Talo iyo Tawfiiq iyo Xubnaha la socday ee Boolisku xidhay, ayaa la sheegay amarka lagu xidhay caawa cawaysinkii dambe in uu bixiyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen ila-wareedyo labada dhinacba u dhuun-daloola oo aannu warkan ka helnay.

Si rasmi ah illaa hadda looma oga sababta xadhigga xubnahan kaeentay, hase-yeeshee, sida ay Shabakadda wararka ee Aftahannews u tibaaxeen ila-wareedyadu, waxa loogu xidhay amarka uu bixiyey Wasiir Waran-cadde oo isla Beeshaas ka soo jeeda.

Warku waxa uu intaa ku daray in la tuhunsan yahay in Xubnahan lagu xidhay Shir ay caawa Huteelka Kaah ee Bariga magaalada Hargeysa kula yeesheen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

READ MORE..