Xubno ka mid ah odayaasha Golaha Guurtida oo ku guntaday Xiisaddii Golaha Wakiillada Somaliland

Hargaysa (Berberanews)- Xubno ka mid ah odayaasha waawayn ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa mar labaad kala badbaadiyey Golaha Wakiillada fadhigii maanta oo qarka u saarnaa xaalad xasaasi ah inay ka dhacdo.

Odayaal ka tirsan Guurtida oo uu horkacayey Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee golahaasi Md. Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe), ayaa kulan ay la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Cirro iyo labadiisa ku-xigeen Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf oo hoggaaminaya xildhibaannada wada mooshinnada ka dhanka ah guddoomiyaha, waxay isku afgarteen in Golaha Wakiillada la fasaxo muddo toddoba casho ah oo lagu dhammeeyo khilaafka cakiran ee waqtigan taagan.

Xaaji Cabdi-waraabe oo heshiiskaasi kadib hadal dheer oo waano ah ka jeediyey fadhigii Golaha Wakiillada, ayaa u sheegay mudanayaasha in saddexda xubnood ee shirguddoonka ah ay gacmaha isku saareen, kana aqbaleen in ay sidoodii hore isku ahaadaan, isla markaana wixii dhiman ee dhinaca sharciga ku xidhan lagu dhammayn doono muddadaasi toddobaadka ah ee golaha la fasaxay.

Waxa kale oo uu xildhibaannada ka dalbaday inay aqbalaan, kalana shaqeeyaan xalka khilaafka, halkaasi oo mudanayaashuna aqbalkooda ku muujiyeen sacab fara badan oo madasha ka dhacay.