“Qhuus Ayaannu Ka Taaganahay Midnimo Qaran”-Cali Khaliif Galaydhe

Nairobi(berbernews):- Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh oo hadda ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka federaalka Sooomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay quus ka taagan yihiin ka shaqaynta Midnimada waddankaas, isla markaana Maamulka Khaatumo oo uu ka mid yahay Siyaasiyiintii aasaasay inaanay u dabranaan doonin arrinta ay quusta ka taagan yihiin.

cali khaliif

Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh, waxa uu sheegay inay ka danaysanayaan Soomaaliya, isla markaana midnimadeeda aanay masuuliyad gaar ahi ka saarnayn, isaga oo xusay in xasuuq uu Madaxwaynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ka geystay Taleex uu ugu biiray Xasan Sheekh.

Waxaanu Dr. Galaydh oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Xasuuqii Faroole ka geystay Taleex, waxa noogu soo biiray Xasan Sheekh, oo dadka Khaatumo Madaxwaynaha iyo Xamar-ba quusbay ka joogaan, markaa annaga midnimada Soomaaliyeed Masuuliyad gaar ahi nagama saarna, dantayada ayaannu ka raacanaynaa.”

Xildhibaan Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waa run oo Ashkhaas u dhashay gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, Hargeysa way joogaan, Jigjigana Wasiirro ayay ka yihiin, Jabuutina way ka yihiin, Kenya waxa Wasiirka arrimaha dibedda u ah gabadh dhulkaa u dhalatay (Sool).”

Cali Khaliif Galaydh waxa uu sheegay inay dadka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee uu ka dhashay Maamul kasta oo Soomaaliyeed oo dhisan ay ku leeyihiin Masuuliyiin xilal ka haya, waxaanu yidhi; “Markaa, ma waxaad odhan (Weriyaha) idinku shanta Soomaaliyeed-ba waad joogtaane bal isku kaaya sheega..? Laakiin, dadka reer Hargeysa waxay joogaan Xamar, Itoobiya ayay joogaan, Kenya ayay joogaan, dadkani meel walba way joogaan, dadkuna way tacabbiri karaan.”

 

Berberanews-Desk

Nairobi/kenya