Dagaal Aad U Qadhaadh Oo Caawa Ay Iskaga Horyimaadeen Ciidamada Soomaalia Iyo Al-Shabaab Ka Dhacay Muqdisho Gudaheeda

Muqdisho: (berberanews)Xoogag ka tirsan Ciidamada Xarkada Al Shabaab ayaa galabta weerar ku qaaday fadhiisimo ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada ku leeyihiin degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

 Dagaal caawa1

Weerarka oo ku bilowday madaafiic ayaa Al Shabaab waxa sidoo kale ay dagaal fool ka fool ah la galeen ciidamada dawlada iyo AMISOM waxaana dagaalka xoogiisa uu ka dhacay isgoyska SOS ilaa shineemo cabdi waayeel.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen madaafiic xoogan oo labada dhinac ee dagaalka udhaxeeyey isweydaarsadeen taasi oo lasoo warinayo khasaaro kala duwan in shacabka kasoo gaadheen.

Inkastoo si rasmi ah aan loo shaacin waxyeelada dagaalkaasi galabta ilaa maqribadii soo gaaray ka dhacay degmada Heliwaa ayaa hadana wararka madaxa banaan ay tibaaxeen in khasaaro badan uu jiro.

Maamulka  degmada Heliwaa ayaan ilaa hada wax war ahi ka soo bixin

 
Berberanews-Desk
Muqdisho/Somalia