Difaacayaasha Xuquuqal-insaanka Somaliland oo Walaac xooggan ka muujiyay Khilaafka Golaha Wakiillada

Hargeysa-(Berberanews)-Difaacayaasha madaxbannaan ee xuquuqda aadamiga Somaliland, ayaa walaac ka muujiyey khilaafka ka taagan Golaha Wakiillada oo ay sheegeen in arrintiisu aan ku koobnayn tartan u dhexeeya axsaabta siyaasadda ee dalka.

Sidaana waxa sheegay Afhayeenka Difaacayaasha Madaxbannaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland Mr. Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Xuquuq) oo shir jaraa’id uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa ku soo bandhigay warbixin ay ka diyaariyeen xaaladda siyaasadeed ee dalka oo xusay inay si taxadir leh ula socdaan.

“Difaacayaasha xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay si xooggan uga walaacsan yihiin in ay ogaadaan ilaa xad heerka Khatarta badan leh ee qalalaasaha Golaha Wakiillada Somaliland uu si toos ah ugu gaystay mustaqbalka iyo danaha qaran ee dalka Somaliland, taasi oo ah tan aannu qaylo-dhaantan u jeedinayno. Natiijooyinka uga soo baxay baadhitaano ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyada bulshada rayidka ah ee Somaliland waxa aannu ku ogaanay in qalalaasaha Wakiilladu uu ka gun dheer yahay mid ku kooban tartan dhinaca awoodda ah oo u dhexeeya Axsaabta Qaranka,” ayuu yidhi Saleebaan Xuquuq.

saleebaan Xuquuq

Waxa kale oo uu sheegay in qalasaasaha Wakiillada oo la bilaabmay xilligii uu socday wareegii 5aad ee wadahadalladka Somaliland iyo Soomaaliya oo uu ku macneeyey inuu la mid ahaa wadahadalladii Boqortooyada Ingiriiska iyo ergo ka socotay maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland dhexmaray badhtimihii sannadkii 1959-kii, hase ahaatee mooshin Golaha Wakiillada waqtigaasi la hordhigay uu caqabad ku noqday.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Wareeggii ugu dambeeyey markii uu ka socday Istanbul ergooyinkii Somaaliya iyo Somalialnd oo miiskii wadahadalka wada fadhiya, ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu soo hordhigay golaha mooshin dhabarka lagaga tooganayo xubno ka mid ah ergada u matalaysay ummadda Somaliland wadahadallada ujeedkoodu yahay xidhiidhka mustaqbalka ee Somaliland iyo Soomaaliya ay wada yeelan doonaan. Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ahaa xubnaha ugu miisaanka culus ergada Somaliland dhinaca wadajirka iyo midnimada beelaha ayuu Guddoomiye Cirro mooshin lagu sadqaynayo golaha duuduub kaga ansixiyay.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay u arkaan tallaabadaasi Guddoomiyaha Wakiillada falaadh uu la bartilmaameedsaday aayaha iyo mustaqbalka qaranimada Somaliland. Dhinaca kale, ergadii ka socotay xukuumada Federaalka Soomaaliya iyagoo miiskii wadahadallada fadhiya ayaa xilal cusub u magacowday qaar ka mid ah ergadoodii oo labo ka mid ah u magacaabeen xilal wasiirro ah.”

Dhinaca kale, waxa uu cambaareeyey siyaasiyiin uu sheegay inay si qarsoodi ah u tagaan Soomaaliya oo ay xilal u doontaan, isla markaana ay Somaliland hawlo ka dhex wadaan, waxaannu yidhi, “Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyadda Somaliland waxay xogogaal u noqdeen rag Muqdisho dhexdeeda toddobaado ka hor kaga jiray olole ay ku rabaan xilal inay u magacawdo xukuumadda Federaalka Soomaaliya, markii ay ku soo hugoobeena maalmahan u dambeeyay caasimada Somaliland shirar jaraa’id ku qabanayey oo ku goodiyay in dhiig sokeeye daadan doono.

Falalka noocaasi ah dhaliisheeda waxa iska leh xukuumada Madaxwayne Siilanyo, gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo hay’adaha sharci fulinta.”

Dhinaca kale, Afhayeenka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamigu waxa uu mushkilad hawlaha qaranka hortaagan ku tilmaamay khilaafka xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE oo uu sheegay inuu mar kasta oo dalku marayo xaalad xasaasi ah dibadda u soo baxayo, isla markaana waxa uu ugu baaqay Guddoomiyaha KULMIYE iyo Madaxweyne Siilaanyo inay si degdeg ah u xallinyaan muranka xisbiga.

Ugu dambayn waxa uu ka digay saamaynta ay yeelan karto haddii la is raaciyo labada diiwaangelineed ee codbixiyayaasha dorashooyinka iyo ta qaadashada kaadhka muwaadinimo, “Waxaannu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland, xisbiyada siyaasadda, dalalka iyo ururrada caalamiga ah ee inaga taageera hawlaha dimuqraadiyadda golayaasha qaranka iyo dhammaan muwaadiniinta Somaliland in loo hawlgalo sidii ay u kala madaxbannaan lahaayeen diiwaangalinta muwaadiniinta iyo diiwaangalinta codbixiyayaasha oo haddii hal mar la wada qabto sida ay dhawaan dhinacyada arrimahan khuseeyaan ku heshiiyeen aan lagu guulaysan doonin in la sameeyo diiwaangalimo sax ah oo muwaadinimo iyo mid codbixiyeyaal. Haddii hal mar la wada qabto labadaasi diiwaangelinood, waxaannu ka digaynaa in natiijo la aamini karo oo saxi ahi ka soo baxaynin sababtoo ah waxanu aaminsahay in xamaasad iyo olole gobalaysi, deegaan iyo mid qabyaaladeedba xisbiyada siyaasada Somaliland galin doonaan, hawshaasi sidaa tacab waqti iyo miisaaniyad badani kaga khasaari doonto Qaranka Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Afhayeenka Difaacayaasha Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland Mr. Saleebaan Ismaaciil Bullaale