Ergada Dhexdhexaadinta Khilaafka Golaha Wakiiladda Oo Isla Meel Dhigaya Ajandde Ay Ka Duulaan

Hargeysa(berberanews)- Ergadii shalay baajisay Mooshinadii ka dhashay khilaafka Xeer hoosaadka Golaha wakiiladda ayaa maanta si rasmi aha u yeelan doona fadhigooda ugu horeeya kaasoo ay ku dajisan doonaan qoddobada ay ka duuli doonaan ee bud-dhiga u noqonaya soo af-jarida khilaafka Golaha.

download (7)

Fadhigii shalay oo aad u cakirnaa ayuu Oday X Cabdi Waraabe ka jeediyey Khudbad kala dajisay dhinacyada Golaha isku haya, kuwaas oo cod isku mid ah ku taageeray soo jeedinta Ergada uu Odayga u yahay ee Golaha Guurtidda ka tirsan kuwaas oo shalay si xoogan u muujiyey in ay kala qaboojiyaan Xuildhibaanada Golahaas oo qaarkood gacanta isula tageen ka hor intii aanay badheedhahooda Guurtidu jeedin.

Lama oga halka ay ka qaadi doonaan iyo halka ay dhigi doonaan xalka Xeer hoosaadka la isku hayo, hase yeeshee waxay u  muuqataa sidii uu Xaaji Cabdi sheegay in ay doonayaan in sadexdoodii shir-guddoon heshiiyaan oo noqdaan sidii ay ahaan jireen, wallow uu afeef uga dhigay Xeer hoosaadka iyo sharciyadda Golaha in lagu salayn doono gunaanadka wadahadalkooda.

Dooda ugu badan ee laga garniqi doono ayaa u badnaan doonta awoodaha shirgudoonku sida ay noqon doonto iyo tirada lagu ridi doono haddii loo baahdo in laga bedelo Hab-maamuuska ay Golaha ku hogaamiyaan, iyo sidoo kale sidii turxaan bixin looga dhex samayn lahaa Xildhibaanada dhexdooda oo hirdan iyo Loolan adagi dhex maray mudadii khilaafku aloosnaa.

Ma cada xubnaha Ergada rasmiga ah noqon doonta eek a socota Golaha Guurtidda iyo kuwa ka socda Ururada Bulshada oo kaalin ku lahaa daminta dhinbiishii toddobaadadan ka ifaysay Golaha, sidoo kale ma cada doorka ay ku yeelan doonaan sadexda Shirguddoon iyo xildhibaanada kala taageersan, hase yeeshee waxa la filan doonaan waxaas oo dhan in kulanka maanta lagu sar-goyn doono

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland