“Somaliland-9000 oo Shirkadood ayaanu u bandhigay Khayraadka Somaliland ku jira” Xuseen Cabdi Ducaale

Hargeysa(berbernews)-Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka soo laabtay Safaro uu ugu maqnaa dalka Koonfur Afrika oo uu kaga qayb-galay shir lagaga hadlayay Arrimaha Macdanta wufuud Caalami ahi ka qayb-gashay.

Macdanta-300x262

Xuseen Cabdi Ducaale oo safarkan uu ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, ayaa ka soo degay Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo markii uu ka soo degay warbaahinta ugaga waramay waxyaabihii safarkaasi uga soo qabsoomay iyo ujeedada shirka uu kaga qayb-galay.

Wasiirka ayaa sheegay inuu shirkaasi kaga hadlay Baaxadda Macdanta iyo khayraadka ku dugan dalka ee aan wali laga faa’idaysan, una bandhigay wufuudii ka soo qayb-gashay sida uu dalkiisu u danaynayo maal-gashadeyaasha caalamiga ah.

Ugu horayn isagoo faahfaahin ka bixinaya  shirka uu ka qayb-galay waxa uu yidhi wasiirku “waxaanu ka qayb-galnay aniga iyo Agaasimaha Macdantu Shirka sanadlaha ah ee Macdanta oo ka dhacay Magaalada Capetown, waa markii ugu horaysay ee laynu marti qaado shirka oo ay ka soo qayb-galeen ilaa 37 Wasiir Macdaneed oo afrikan ka socda iyo ilaa sagaal kun oo ka soo qayb-gale oo isugu jira wakiilo dawladeed, Shirkaddo, Maal-gashadeyaal iyo Bangiyo, waana shirka ugu weyn eek u saabsan Macdan ee adduunyada ka dhaca, waana shirkii 20-aad ee la qabto”.

Xuseen Cabdi Ducaale ayaa isagoo hadalkiisa wata tilmaamay in Calanka Somaliland ka dhex muuqday Shirkaasi, isla markaana si weyn loogu maamusay weftiga uu hogaaminayay .

“waxa farxad weyn inoo ah in dawladdaha Calamadoodu ka muuqday madasha shirka aynu ka mid noqonay, iyadoo aynaan ahayn dal la ictiraafsanyahay oo aynu ka hadalno, kuna soo dhaweyno sharaa’iga Caalamka oo aynu bandhigno khayraadka waddankeena ku jira. Warbixin-baanan samaynay intii aanu shirka joognay oo Warbaahin badanbaa iga waraystay Khayraadka iyo macdanta dalka.

Berberanews-Desk

Hargeysa/somaliland