Gudoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq oo ka badbaaday iskuday dil

Bagdaad(berberanews)Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Ciraaq Osama al-Nujaifi ayaa ka badbaaday fal iskuday dil ah kadib markii lala beegsaday qarax.

 godo-

Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagula beegsaday magaalada Waqooyi ee Mosul xilli uu la socday kolonyo gelbinaysay, balse waa uu ka badbaaday.

 

Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen labo kamid ah ilaaladiisa.

 

Dalka Ciraaq waxaa kusoo badanayay beegsiga lagu hayo madaxda sare iyadoo dhowaan weerar ba’an lagu qaaday Xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda.

 

Dhinaca kale ilaa 21-kamid ah mintidiinta Islaamiyinta ayaa ku dhintay qarax kadib markii uu qarxay gaari ay ka buuxiyeen walxa qarxa oo ay doonayeen in weerar ismiidaamin ku fuliyaan balse si lama filaan ugu qarxay goob ay joogeen

 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland