Nin Haybtiisa la Garan Waayey oo Isku Dal-dalay Degaanka Sabo-wanaag ee Gobolka Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha tuulada Qotonka-weyn oo ka tirsan degmada Samo-wanaag ee Gobolka Hargeysa Mr. Saleebaan Carab Aw Siciid, ayaa sheegay in odayaasha iyo waxgaradka degaanku aaseen nin aan haybtiisa la aqoonsan, loona malaynayo inuu maskaxda ka bukay, kadib markii  la arkay ninkaas oo toddobaadkii hore isku deldelay tuulada Qotonka-weyn.

Mr. Saleebaan Carab Aw Siciid oo xarunta wargeyska Jamhuuriya soo booqday shalay, waxa uu sheegay in marxuumka geeriyooday oo maydkiisu muddo laba maalmood ah yaalay, la aasay, kadib markii lagu wargeliyey Wasiirka Daakhiliga, taliska booliska iyo ciidanka dambi-baadhista ee CID-da, isagoo xusay inay sawirro ka qaadeen ninkaas ka hor intii aan la aasin, waxaannu dadweynaha reer Somaliland ka codsaday in ciddii qof xannuunsanaya ka maqan yahay ama ninkaas raadinaysay ay la soo xidhiidhaan si uu macluumaad uga siiyo.

“Annigoo ah Guddoomiyaha tuullada Qotonka-weyn ee degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, magacayguna yahay Saleebaan Carab Aw Siciid, waxaan dadweynaha reer Somaliland u sheegayaa in 5 Febraury 2014, tuullada Qotonka-weyn lagu aasay nin aannu u qaadanay inuu xannuunka dhimirka qabay oo la arkay isagoo isku dal-dalay halkaas, markii falkaasi dhacay waxaannu la xidhiidhnay taliska booliska iyo maamulka degmada Sabo-wanaag, Taliyaha Ciidanka CID-da, Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland iyo Wasiirka daakhiliga, markii maydka ninkaas la arkay ee uu muddo laba maalmood ah yaalay, cid sheegatana la waayey, waxa la amray in la aaso, lagana qaado sawiro si ciddii ehel amma qaraabo ah ee garata loo tuso.

Ninkaas is dal-dalay oo qiyaastii da’diisu ahayd ilaa 40 sanno jir, wuxuu ahaa nin xoog ah, midabkiisuna madaw yahay, wuxuuna xidhnaa shaadh cad iyo surwaal madaw.

Haddaba, ciddii qof xannuunsanaya ka maqan yahay amma raadinaysa ninkaas marxuumka ah ee la aasay hala soo xidhiidhaan Guddoomiyaha tuulada Qotonka-weyn oo ka tirsan degmada Sabo-wanaag ee Gobolka Hargeysa, telefoonkiisuna yahay 063-4146261,” ayuu yidhi Mr. Saleebaan Carab.