“Siilaanyo nin hadimo ma aha, nin argoosi leh ma ah, nin calool xun ma aha, laakiin..”Cali Guray

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Muj. Cali Yusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in dalka ay ka jirto maamul xummo bahsanisaga oo ay ka taliyaan koox kooban oo uu ku sifeeyay “Kuwo dalka  halis gelinaya”

Cali Guray wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyey Telefeshinka Universal isaga oo ku sugan Magaalada London ee cariga ingiriiska.
Cali Guray oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi. “Afar doorasho ayaa wakhtigii Daahir Riyaale uu madaxweynaha ahaa noo qabsoomay, iyo doorasho kali ah oo noo qabsoontay wakhtigan Madaxweyne Siilllaanyo, afartaasi doorasho ee hore waxay ahaayeen doorashooyin xor iyo xalaal ah oo waliba ay ku jirto tii uu siillaanyo tallada kula wareegay, laakiin doorashadii uu madaxweyne siillaanyo qabtay ee golayaasha deegaanka waxay noqotay doorashadii ugu horeysay ee dhiig ku daato, waxa sababay in ay arrintaasi dhacdo dawlad xukuumada madaxweyne siillaanyo, waxay doonayeen in ay soo saaraan saddex xisbi oo ay leeyihiin, waxa ka daran dhinaca shaqada oo haddii ay shaqo dalka ka soo baxdo, waxa loo yeedhay mid nolosha ka dhacay oo Eedo, ama Habaryar, ama ilma abti loo yahay oo Kanada ama Yurub jooga, halka dadkii kale dalkii ku shaqo la’yihiin taasina waa cadaalad darada ka jirta wadanka.”Ayuu yidhi Cali Guray.
Isaga oo hadalka sii wata waxa uu raaciyey “Qoladan xukuumadu ma aha dad anaga na hor iman kara, ama nala doodi kara, oo nin halkaasi inta uu soo fadhiisto Cali Gurray la doodi kara ma jiro, laakiin dhammaan waxay madaxweynaha la ag fadhiyaan hadimooyin, waayo inta dalka bi’inaysa waa in yar, waayo ninkan Somaliland madaxweynaha ka ah waan aqaanaa, nin hadimo ma aha, nin argoosi leh ma aha, nin calool xun ma aha, laakiin mushkiladu waxa weeyi dhagihiisu waxay maqlaan, waxa la doonayo in ay maqlaan, idhihiisuna waxay arkan uun, waxa la doonayo in ay arkaan, cid aan kooxdaasi ku xeeran ahayn, way neceb yihiin dadka wanaaga madaxweynaha jecel, waayo runta in loo sheego ayey diidayaan.”Ayuu yidhi
Waxa kale oo uu sheegay “Tallada dalka Somaliland waxay ka go’daa dad aan xil ba hayn, oo aan xil ba loo dooran, meesha ay ka soo galeena la garan maayo, waana mucjisooyinka Somaliland ka jirra.” Isaga oo ka hadlaya Khilaafka Golaah wakiilada ka jira waxa uu eedeyn kulul dusha ka saaray wasiirka Madaxtooyada oo uu ku eedeeyey in uu ahaa qofkii fidnadaasi kiciyey ee isku diray Guddooiyaha golaha wakiilada iyo Ku-xigeenada, waxaanu tilmaamay in hanjabaadii Xirsi wakhtigii uu joogay Liverpol ay dhibtaasi oo dhami ka dhacday. “labbadan nin ee meesha ka maqan, ee uu habraha ku tilmamay Wasiir xirsi isaga oo Livebool jooga waxaaba la lahaaa uman jeedin buu yidhiye, laakiin waabeenaale kaatib ah, waxa uu labbada guddoomiye ku-xigeen ku mataalay labba habrood oo odey wada qabay oo odeygii qabay midna gacantan ku qabsaday midna gacanta kale , dabadeedna dhulka ugu tuuray, markii danbe ninkii nin geel jire ah ayaa hellay oo uu sankiisa caanno riyaad ka keenay, markaa habruhu waa labbadan ku-xigeen ninka ladgayna waa Guddoomiye cirro, ninka soo dhaaranayayna waa Xirsi, mushkiladan oo dhammi halkay ka dhalatayna waa halkaa, waxaas oo dhan ninkaasaa ka danbeeyey.”Ayuu yidhi