Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyada ismiidaamin Afaafka hore ee Garoonka ka dhacday—Dhageyso Codka

Somalia(berberanews)Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen masuuliyada weerar ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

w-3f1a63e434

Al-Shabaab ayaa boga Facebuuga Idaacada Andulus ku sheegay inay iyaga ka dambeeyeen masuuliyada weerarkaasi.

Waxa ay sheegeen Shabaab in saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ay ku qaadeen weerarkaasi dhimasho iyo dhaawacna uu ka dhashay.

Al-Shabaab waxa ay warkooda ku sheegeen in saddex sarkaal oo Ajaanib ah iyo kudhawaad 10-askari ay qaraxaasi ku dileen.

Majirto ilo kamadaxbanaan Shabaab oo xaqiijinaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkaasi oo noociisa uu ahaa ismiidaaminta.

Dowladda Soomaaliya weli kama aaney hadlin qaraxan ismiidaaminta ee ka dhacay afaafka hore ee Garoonka Muqdisho.

 

 Halkan Ka Dhageyso Codka

Berberanews-Desk

Muqdisho/Somalia