Boko Haram oo 39 qof ku dilay Nigeria

Nigeria(berberanews)Kooxda Boko Xaraam ayaa ugu yaraan 39 qof ku dilay weerar balaaran oo ay ku qaadeen deegaanka Konduga oo ka tirsan gobalka Borno ee waqooyiga dalkaasi Najeeriya (Nigeria)

nege-

Weerarkan oo dhacay Salaasadii ayaa la sheegay in lala beegsaday Masaajidka tuuladaasi, xarunta dowlada iyo Suuqa, waxayna maleeshiyaadkan ay gubeen guryo badan oo ay shacabka lahaayeen sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka iyo maamulka gobalkaasi.

Kooxda Boko Xaram ayaa bilihii lasoo dhaafay dar dar geliyey weerarada ay la beegsanayaan dadka rayidka ah kadib markii dowlada Naajeeriya ay xaalad deg deg ah kusoo rogtay gobalada waqooyi dhamaadkii sanadkii hore, waxayna kooxda Boko Xaram ay ku eedeeyeen in shacabka ay gacan siiyeen ciidamada militariga.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland