Madaxweynaha Soomaaliya oo Sheegay inuu Nool Yahay

Muqdisho-(Berberanews)-Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh Maxamuud oo xaalad caafimaad u jooga dalka Turkiga, ayaa beeniyey warar soo baxay oo lagu sheegay inuu u geeriyooday xannuunka faaliga oo ku dhuftay, isagoo xusay inay wararka dhimashadiisa faafiyeen dad uu ku sheegay inay xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin cod ah ku baahiyey xalay warbaahinta dawladdiisu maamusho, waxa uu sheegay inuu aad u caafimaad qabo, waxaannu shacabka ka codsaday in aanay dhegta u dhigin wararka la xidhiidha dhimashadiisa.

“Waa cadow ummadda Soomaaliyeed ku dhex jira oo dadka warka been-abuurka ah ku faafiyay. Shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-shabaab,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya, waxaannu hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay baadhitaan iyo dabagal ku sameeyaan dadka ka dambeeyey wararka la xidhiidha in madaxweynuhu ku geeriyooday dalka Turkiga.

Dhinaca kale, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga soo saaray war lagu beeniyey geerida Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo aad ugu faafay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, isla markaana lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka, iyadoo madaxtooyadu sheegtay in xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu aad u fiican tahay, balse ma jiraan warar madaxbannaan oo si cad u qeexaya xaaladda dhabta ah ee Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo muddo maalmo ah xaalad caafimaad u jooga dalka Turkiga.