Nin dacwad kusoo oogay Maraykanka oo Pakistan lagu afduubay

Pakistan(berbernews)Karim Khan oo ah nin u dhashay dalka Pakistaan oo si weyn ugu ololeeya joojinta weerarada diyaaradaha Maraykanka (Drone) ee dalkaasi ayaa la sheegay in ay afduubeen sirdoonka Pakistaan.

 Karim_Khan-2-

Ninkan ayaa la sheegay in la afduubay 5tii bishan Feberaayo, waxayna eheladiisa si rasmi ah dacwad ugu soo oogeen sirdoonka Pakistaan oo ay sheegeen inay qafaasheen ninka sida weyn looga yiqiinay wadankaasi.

Ehelada Karim Khan ayaa sheegay in sirdoonka Pakistaan kala baxeen gurigiisa ku yaal magaalada Rawalpindi.

Maxkamada Pakistaan ee dhageysaneysa dacwada ka timid ehelada Karim Khan ayaa u qabatay sirdoonka Pakistaan illaa maalinta 20ka bishan Feberaayo inay kusoo daayaan ninkan ama ku cadeeyaan inaysan gacantooda ku jirin.

Khan ayaa lagu waday in 15ka bishan Feberaayo uu safar u aado Qaarada Yurub isagoo xog la xariirta sharci darada diyaaradaha Droneska ee Maraykanka u gudbin lahaa Baarlamaanka Yurub, Baarlamaanka Ingiriiska iyo Maxkamada Caalamiga ah ee The Hague.

Wuxuu Karim Khan ololihiisa soo waday tan iyo sanadkii 2009 xiligaasi oo uu wiil u dhalay iyo walaalkii ku dhinteen duqeyn ay diyaaradaha Maraykanka ka sameeyeen gobalka Wasiristaan ee waqooyiga Pakistaan,

Ololihiisa ayaa salka ku hayey in maxkamad caalami ah lala fuulo dowlada Maraykanka iyo sirdoonka Maraykanka CIA oo loo heysto dilka dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay weerarada diyaaradaha droneska. Wuxuuna ku guuleystay sanadkii 2010 in uu shaaciyo magaca sarkaalka sirdoonka Maraykanka CIA ee u fadhiyey magaalada Islamabad, xili uu dacwad u gudbiyey maxkamada sare ee wadankaasi.

Berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland