QAXOOTIGA KA SOO JEEDA ERITREA OO LAGU AFDUUBO WADAMADA MASAR IYO SUUDAAN

Eritrea(berbernews)Ururka u dooda xuquuqda aadanaha, HRW, ayaa shaaca ka qaaday in qaxootiga reer Eritrea lagu afduubo islamrkaana jidh-dil loogu geysto wadamada ay maganta u yihiin ee kala ah Masar iyo Suudan. Hay’ada HRW ayaa ugu baaqday wadamdaas in ay wax-ka-qabtaan saraakiisha falkan ku kacda oo gacansaar la leh kooxaha dadka tahriibiya.

 Flag-map_of_Eritrea.svg_

Ururkan ayaa warbixin uu maanta soo bandhigay ku muujiyey in qaxooti gaadhaya ilaa 200,000 ka baxeen dalka Eritrea tan iyo 2004-tii iyaga oo doonaya in ay galaan dalka Israel. Qaxootigan ayaa sii marra wadamada Masar iyo Suudaan. Waxa ay hay’adu intaa ku daratay, in ay xogtan ku ogaadeen wareysiyo ay la yeesheen xubno kamid ah qaxootiga.

Qaxootiga Eritrea ee gala dalka Israel ayaa aad u yaraaday tan iyo markii dalkaasi uu dhisay deyr kala xidha xadka u dhaxeeya Masar iyo Israel 2012-kii.

HRW ayaa sheegtay in qaxootiga la afduubo qaraabadooda la weydiisto in ay ka bixiyaan lacag si ay xoriyadooda u helaan. Qaxootigan ayaa aakhirka lagu celiayaa dalka Eritrea.

Xukuumada Asmara aya lagu tilmaama in ay kamid tahay wadamada aadka u xakameeya wararka laga helo wadamadooda; iyada oo dawlada Eritrea lagu eedeeyey kalitalisnimo iyo cadaadis lagu hayo shacabka taas oo keentay in dhalin-yaro badan dalka ka qaaxan.

 Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland