Madaxweynaha Ruushka taageeray taliyaha milateriga dalka Masar Gen. Abdel fatah al-Sisi

Moscow(Berberanews)Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa taageero weyn  u muujiyay Taliyaha Milateriga dalkaMasar Gen. Abdel fatah al-Sisi oo booqasho ku jooga magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka.

Putin ayaa sheegay in uu ku taageerayo qorshaha uu al-Sisi iskusoo sharaxaayo xilka madaxtinimada dalka Masar kadib wada hadal labadooda dhexmaray.

”Aniga iyo dadweynaha Ruushka guul ayaan kuu rajeynayna,” ayuu yidhi Madaxweyne Putin

Gen. Abdel fatah al-Sisi ayaa u tegay Ruushka in uu la gaalo heshiis ku saabsan hubka oo ay Masar ku doonayso in ay kasoo iibsato. Heshiiska ayaa ku kacaaya lacag gaadheysa labo bilyan oo doolarka Maraykanka.

Putin ayaa noqonaaya hogaamiyihii u horeeyay caalamka oo taageero siiya Gen. Abdel fatah al-Sisi oo hogaaminayay afgembigii milateriga xilka uga tuuray Madaxweynihii dimoqraadiyada lagu doortay ee Morsi oo weli xabsi ku jira.

Doorashooyinka madaxtinimada ayaa la filaaya bisha April ee soo socota in ay dhacaan, waxaana saadaasha u badan tahay in al-Sisi uu ku guuleysto maadama aanu jirin qof miisaan culus oo kursiga kula tartamaaya